Dawladda Puntland dadka reer SSC hagardaamo wax aan ahayn weligeed kuma biirin. Iyada oo dalka Dawlad ka ah bay Somaliland u bannaysay carradii reer SSC, in ay difaacadana iska daa. Waxa ay gacashatay goosatadii iyada oo afgobaad oo wanaagsan kula hadli jirtay madaxdii Somaliland soo martay, halka dadkii reer Khaatumana ay ugu yeedhi jirtay argagixiso iyo qaswadayaal, waana wax duuban(Deni iyo Farooleba waad helaysaan). 2023kii bilowgiisii markii dagaalku bilowday, hab qabiil ah baa la isugu habarwacday oo qabiilka Harti ku dagaal galay, waana wax caadada qabiilka ah in la isu hiiliyo. Runtii si hagarla’aan ah bay usoo gurmadeen qabiilladii kale ee Harti dhammaantood, tolkoodna waa ay garab istaageen dharaartii adkayd naf iyo maal. Maamulka Puntland oo muddo xileedkiisu gabaabsi ahaa, markii uu arkay in qabiilladii inta uu maamulo joogay ay u gurmadeen tolkood wuu isdaadraaciyey isaga oo labo ujeeddo ka leh: 1. In uu doorashada ku galo, wuuna ku guuleystay middaa. 2. In uu isku maydho oo ceebtii iyo wejigabaxii kaga dhuunto. Bulshada reer SSC godobtii ay Puntland ka tirsanayeen intii ayey ku illaaween, wax kastoo xumaan ay Puntland fashayna in laga hadlo hoos ayey u dhigeen oo afkooda waa ka dhawreen, waxa ayna filayeen in Puntland halkaa ay kaga eegtahay hagardaamadii Iyagana intay horay ugu fashay ku filantahay . Markii dagaalkii dhammaaday ee degaannadii badi la cadawgii laga saaray, Puntland , waxa ay dib u bilowday dhaqammadii qaabka darnaa ee ay caadaysatay, go’aannadii 6 February ee ay markii ay danta lahayd taageertayna way laashay. 1. Waxa ay suuqa ka xusheen 17kii xildhibaan ee la nasakhay 2. M.W. kuxigeen iyo ilaa wasiirro 3. Waxa ay ula dhaqmeen SSC sida dhul ay maamusho.4. Waxa ay suuqa ka xusheen ciyaartooy kubbadeed..5. Haayadihii gargaarka ayey ka horjoogsatay.Hadda waxa ay dood ka dhigteen oo badka keeneen marka ay ka hadlayaan dhalinyarada Kubbadda ciyaaraysa ee SSC ay yidhaahdeen way metelaysaa; Xildhibaanno iyo Wasiirro ayaa Puntland idinka jooga oo weli Puntland ayaad ka midtihiin. Waa dood jaban oo caqlixumo ah, waayo dadkaa ay sheegayaan in aysan reer SSC-KHATUMO metelin waa ay ogyihiin, markii ay xusheenna reer SSC waa ay caddeeyeen in aysan iyaga metelin maamul u gaar ahna yeesheen. Wax ay ka dhigantahay annaga oo nidhaahna; xildhibaanno ku metela Jubaland SSC-KHATUMO ayaan ku dooranaynaa Laascaanood Jubaland-na annagay naga mid tahay. sidaa daraaddeed laguma afjigi karo dadka waxaas. Puntland waxaa laga filayey in ay maamulkan dhisto oo garabjoogsato, sida shacabkeedu garabjoogsadeen. Dabcan qabiillada Harti ee hadda Puntland dega eedda ma laha ee maamulka ayaa eeddaas leh. SSC go’aankoodu waa in ay maamul noqdaan waana yihiin Puntland-na kuma laabanayaa, sidaa aawadeed, waxaa la gudboon in aysan ku ceeboobin, waayo wax aan ceeb ahayn ugama biirayso, haddii ay tixgeliyaanna iyaga waxba kaga xumaan maayaan!
WQ: SICIID SUGULLE