Maanta oo ay taariikhdu tahay 26kii bisha NOV 2024 waxaa magaalada Ceerigaabo ka socda dagaal u dhexeeya shacabka reer SSC iyo ciidan hubaysan oo Somalilan ah. waxa ay gawaadhida gaashaaman la dhacayaan dad shacab ah, taasi oo muuqata in aysan waxba ka baranayn maamulka goosatada ah, waayo sannad iyo bilo ka hor uun ayaa ay ahayd markii sidan oo kale magaalada Laascaanood dad shacab ah ay si kas ah tikniko ugu laayeen, taasoo sababtay in gobolkii gebi ahaanba laga saaro. Xaalladda adag ee ay ku jiraan shacabka reer SSC ee degmada CEERIGAABO maaha mid indhaha laga qarsan karo. Subaxnimada saaka ah waxa ay si badheedh beesha Soomalilaan ugu dishay dad ka badan 4 qof, waxa ayna boobtay ganacsiyo waaweyn oo BUSLHADA reer SSC lahaayeen, iyaga oo xataa qasnadihii lacagaha rartay. Dulmiga ka taagan CEERIGAABO weli far kama taagan maamulka SSC-khaatumo ee bulshada la midhamidhaysanayo matala. Dadka reer CEERIGAABO ayaa u arka in maamulku xaggooda ka hamranayo, gacantii ay u baahanaayeenna uu ka gaabiyey.