• Xeerka
  • Nagu Saabsan
  • Xayaysiis
  • Nala Soo Xidhiidh
Monday, June 2, 2025
  • Gelid
  • Register
Warbaahinta Golejoog
  • Bogga Hore
  • Warar
    • Giddi
    • Wararka Carro-edeg
    • Wararka Dalka
    • Wararka Khaatumo
    HAGARDAAMADA SIYAASADEED EE PL KU HAYSO KH

    HAGARDAAMADA SIYAASADEED EE PL KU HAYSO KH

    Xidhiidhka ka dhexeeya Goosatada Soomaalilaan iyo argagixisada Alshabaab.

    Xidhiidhka ka dhexeeya Goosatada Soomaalilaan iyo argagixisada Alshabaab.

    Hargeysa oo La Daalaa-dhacaysa Xanuunka HIV Iyada oo horay Ula Silcaysay Xanuunka Gooni-u-goosadka.

    Hargeysa oo La Daalaa-dhacaysa Xanuunka HIV Iyada oo horay Ula Silcaysay Xanuunka Gooni-u-goosadka.

    WFP MAAMULKA SSC-KHAATUMO

    “4 Qodob ay WFP ugu Gaftay Maamulka SSC-Khaatumo”

  • Ganacsi
  • Af & Dhaqan
  • Ciyaaraha
  • Qubanaha
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xidhiidh
Ma jirto wax natiijahi
Eeg Dhammaan Natiijooyinka

November 30, 2024
Wararka Khaatumo
Sawirka xigasho WFP in Somalia

Khaladaadka WFP ee ku aaddan maamulka SSC-Khaatumo

WFP waxay soo saartay waraaq ay ku shaacinayso hakinta hawlaheedii gargaarka ee SSC-Khaatumo, sababo la xiriira dhacdooyin boob ah oo isdaba joog ah oo ka dhacay degmada Buuhoodle. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira khaladaad iyo arrimo ku saabsan hab-dhaqanka WFP ee khuseeya maamulka SSC-Khaatumo, ayna ku qeexday waraaqdii ay 27ka Bishan la wadaagtay xafiiska madaxwayne ku xigeenka Puntland, kuwaas oo ay muhiim tahay in la caddeeyo lagana jawaabo:

1. Ku Eedeynta Maamulka SSC-Khaatumo Dayacaadda Amniga

  1. WFP waxay ku sheegtay waraaqdeeda in amni-darrada ka jirta SSC-Khaatumo ay sababtay in la boobo raashin gargaar ah. Si kastaba ha ahaatee, maamulka SSC-Khaatumo laguma wargelin si rasmi ahna looma gaadhsiin waxyaabaha khuseeya mashaariicdaas ama walaacyada la xiriira amniga si ay uga hawlgasho.
  2. Tani waxay muujinaysaa in WFP aysan la shaqeyn maamulka si toos ah, taas oo qeyb ka ah xeerarka maamulka SSC-Khaatumo ee ku aaddan in hay’adaha samafalka ay iska diiwaan geliyaan si ay uga hawlgalaan deegaannada SSC-Khaatumo, loona sugo amniga mashaariicda ay fulinayaan.
  3. Waxaana jira haayado maxaliya iyo kuwo kale oo caalamiya oo ka hawlgala deegaanadda SSC-Khaatumo wax amni daro ahna aan soo sheegin.

2. Fulinta Mashaariic Soo Maray Maamullo Kale:

  • WFP waxay ku andacootay inay ka hawlgaleysay SSC-Khaatumo iyadoo ka duulaysa xafiiskeeda Garowe iyo hay’ado kale oo wada-shaqeyni ka dhaxayso. Tani waxay muujinaysaa in WFP ay adeegsanaysay maamullada kale si ay uga hawlgasho deegaannada SSC-Khaatumo, halkii ay si toos ah ula shaqeyn lahayd maamulka SSC-Khaatumo.
  • Maamulka SSC-Khaatumo horay ayuu ugu wargeliyay dhammaan hay’adaha samafalka in aysan ka hawlgalin deegaannadooda iyagoo u soo maraya maamulo kale, balse ay tahay inay si toos ah isaga diiwaan geliyaan SSC-Khaatumo.

3. Wargalin la’aan iyo Ogaysiin La’aan

  • WFP waxay ku guul-darreysatay inay si toos ah u wargeliso ama uga howlgasho maamulka SSC-Khaatumo si ay u wada shaqeeyaan, taas oo keentay dayacaad ku timid mashaariicdii loogu talagalay dadka deegaanka.
  • Mashruucyadaas oo ay ka mid yihiin barnaamijyada nafaqada iyo raashinka gargaarka ayaa qaarkood lumay ama aan si habboon loo gaadhsiin dadkii loo baahnaa.

4. Ku Xadgudubka Jiritaanka iyo Madaxbannaanida Maamulka

  • Hab-dhaqanka WFP ee ah inay soo marto maamullada kale, halkii ay si toos ah ula xiriiri lahayd maamulka SSC-Khaatumo, waa mid aan waafaqsaneyn  madax-bannaanida maamulka deegaanka.

Si looga fogaado khaladaadka noocan ah, waxaa muhiim ah in maamulka SSC-Khaatumo Ka jawaabo waraaqdaas isaga oo u sheegaya dhamaan xadgudubyada ay qiratay WFP.

Sido kalena ka codsanaya inay raaligalin ka bixiso arinkaas kuna amraya qodobadda soo socda:

  1. WFP waa inay si rasmi ah iskaga diiwaan geliso SSC-Khaatumo hadii ay rabto inay ka hirgaliso mashariic deegaannada SSC-Khaatumo.
  2. Hay’adaha samafalka ay si toos ah ula shaqeeyaan maamulka SSC-Khaatumo halkii ay u soo mari lahayeen maamullada kale.
  3. WFP waa inay si hufan ula wadaagto maamulka SSC-Khaatumo dhammaan macluumaadka iyo qorsheyaasha ku saabsan hawlaha ay doonayaan inay ka fuliyaan deegaanka.
  4. SSC-Khaatumo waa inay caddayso inay damiin ka ahayn amniga iyo hirgalka wixi mashaariic ah ee soo mara maamulada kale.

Intaasi waa tallaabooyin muhiim ah oo lagu xaqiijinayo in gargaarka bani’aadamnimo uu gaaro dadkii loogu talagalay, iyadoo la dhowrayo madaxbannaanida iyo sharafka maamulka SSC-Khaatumo.

Tags: ssc-khaatumowfp
ShareTweet
Boggii Hore

Maxa ku qoran waraaqda kasoo baxday WFP ee ku Saabsan SSC-Khaatumo?

Bogga Xiga

Hargeysa oo La Daalaa-dhacaysa Xanuunka HIV Iyada oo horay Ula Silcaysay Xanuunka Gooni-u-goosadka.

Related Posts

HAGARDAAMADA SIYAASADEED EE PL KU HAYSO KH
Warar

HAGARDAAMADA SIYAASADEED EE PL KU HAYSO KH

December 10, 2024
SSC-Khaatumo
Wararka Khaatumo

Maxa ku qoran waraaqda kasoo baxday WFP ee ku Saabsan SSC-Khaatumo?

November 29, 2024
faahfaahinta dagaalka Ceerigaabo.
Warar

faahfaahinta dagaalka Ceerigaabo.

November 26, 2024
Bogga Xiga
Hargeysa oo La Daalaa-dhacaysa Xanuunka HIV Iyada oo horay Ula Silcaysay Xanuunka Gooni-u-goosadka.

Hargeysa oo La Daalaa-dhacaysa Xanuunka HIV Iyada oo horay Ula Silcaysay Xanuunka Gooni-u-goosadka.

UGU CAANSAN

  • SSC-Khaatumo

    Maxa ku qoran waraaqda kasoo baxday WFP ee ku Saabsan SSC-Khaatumo?

    0 shares
    Share 0 Tweet 0
  • Dhalinyaradii Buuhoodle aaway?

    0 shares
    Share 0 Tweet 0
  • Waa Maxay Colaad Sokeeye?

    0 shares
    Share 0 Tweet 0
  • BAROORDIIQDA GOOSATADA.

    0 shares
    Share 0 Tweet 0
  • “4 Qodob ay WFP ugu Gaftay Maamulka SSC-Khaatumo”

    0 shares
    Share 0 Tweet 0

ARAGTIYO

Dhalinyaradii Buuhoodle aaway?

Dhalinyaradii Buuhoodle aaway?

November 27, 2024
0

Buuhoodle laga soo bilaabo lixdamaadkii dawladdii rayidka ahayd illaa maanta oo carriga laga hirgeliyey maamul goboleed gaar ah oo dadka...

Waa Maxay Colaad Sokeeye?

Waa Maxay Colaad Sokeeye?

November 27, 2024
0

Waa Maxay Colaad Sokeeye? Mooge Umal(Abriil 17. 2024) Soomaalidu weli dawgii badbaadada ma ay hayso oo qar bay doonaysaa in...

BAROORDIIQDA GOOSATADA.

BAROORDIIQDA GOOSATADA.

November 27, 2024
0

Caasimadda dalka ee Muqdisho ayaa lagu qabtay kulan Baroordiiq ah oo loo samaynayo laguna waynaynayo Axmed Siilaanyo. Kulanka waxa ka...

Cirro waxba kama beddeli doono colaadda SSCKH iyo Sl

MURAAYADDA WAAYAHA: Hormada 1aad.

November 26, 2024
0

Cirro waxba kama beddeli doono colaadda SSC-khaatumo iyo Somaliland. Cirro ayaa Muuse baddelay, Muusena Siilaanyuu tare xigay, halka Siilaanyona uu...

Isimadu maxay rabaan?

Isimadu maxay rabaan?

November 24, 2024
0

Isimada dhaqanka SSC-KHAATUMO.

NALA SOCO

LAGUGULA TALIYAY

CEERIGAABO WAA AY CURANAYSAA!

CEERIGAABO WAA AY CURANAYSAA!

November 23, 2024

JIRAAL

December 11, 2024
BAROORDIIQDA GOOSATADA.

BAROORDIIQDA GOOSATADA.

November 27, 2024
Dhalinyaradii Buuhoodle aaway?

Dhalinyaradii Buuhoodle aaway?

November 27, 2024
CIYAARTOOYADA SSCKH MA KA QAYB GELI DOONAAN KOOBKA PL?

CIYAARTOOYADA SSCKH MA KA QAYB GELI DOONAAN KOOBKA PL?

December 7, 2024
Selena Gomez: Sida ay gabadhan da’da yar uga mid noqotay bilyaneerrada dunida ugu taajirsan

Selena Gomez: Sida ay gabadhan da’da yar uga mid noqotay bilyaneerrada dunida ugu taajirsan

November 1, 2024
Warbaahinta Golejoog

© 2024 Golejoog.

WARBAAHINTA GOLEJOOG

  • Xeerka
  • Nagu Saabsan
  • Xayaysiis
  • Nala Soo Xidhiidh

NALA SOCO

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password? Sign Up

Create New Account!

Fill the forms bellow to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
Ma jirto wax natiijahi
Eeg Dhammaan Natiijooyinka
  • Bogga Hore
  • Warar
  • Ganacsi
  • Af & Dhaqan
  • Ciyaaraha
  • Qubanaha
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xidhiidh
  • Gelid
  • Sign Up
EN

© 2024 Golejoog.