Hargeysa, caasimadda gobolka Waqooyi Galbeed, oo uu sodonkii sane ee u danbeeyay uu afeeyay xanuunka gooni-u-goosadku baa hadda waxay waajahaysaa dhibaatooyin is-dul-saaran oo ay ka mid tahay halista cudurka HIV/AIDS, laguna soo waramayo inuu xadhkaha goostay sida uu soo gudbiyay dhakhtarka wayn ee Hargeysa.
Xogta Xanuunka HIV/AIDS ee Hargeysa
Sida uu soo gudbiyay “Hargeisa Group Hospital,” waaxdiisa daaweynta iyo la socodka xanuunka HIV/AIDS, tirakoobka caafimaadka ee la xiriira cudurka ayaa muujinaya dhibaato ba’an oo caafimaad oo soo socotay labaatankii sano ee lasoo dhaafay:
- Tirada Bukaannada La Diiwaangeliyay (2004-2024):
- 3,206 qof ayaa laga helay cudurka HIV/AIDS.
- 2,481 qof ayaa lagu bilaabay daawooyinka (ART), halka 725 qof aysan qaadan daawo sababo u gaar ah awgood.
- Xaaladda Wakhtiga Xaadirka Dadka La Ogyahay Ee U Buka Xanuunka (2024):
- 1,329 qof ayaa si joogto ah u qaata daawooyinka:
- 802 waa haween.
- 527 waa rag.
- 1,329 qof ayaa si joogto ah u qaata daawooyinka:
- Tirada Dadka La Baadhay Sanadkan Gudihiisa:
- 714 qof ayaa la baadhay sanadkan, 103 qof ayaa laga helay cudurka:
- 64 waa haween.
- 39 waa rag.
- 714 qof ayaa la baadhay sanadkan, 103 qof ayaa laga helay cudurka:
Waxa kale ee ay sheegayaan wararka nasoo gaadhayaa inaysan ku koobnayn tirada bukaanka dhabta ahi intaas oo ay jiraan dad toban jeer ka badan intaas oo xanuunka la daalaa dhacaya lakinse aan tagin goobaha caafimaadka.
Saameynta Faafitaanka Cudurka HIV/AIDS
- Siyaasadda gooni-goosadka ee maamulka Hargeysa waxay ku dhisan tahay aragtida ah kala fogaynta bulshada Soomaaliyeed, dhanka kalena xoogga in la saaro xidhiidhka siyaasadeed iyo dhaqaale ee ajaanibta kale si ay ugu muujiso dunida inay tahay dal madax-bannaan. Xidhiidhyadan, gaar ahaan kuwa ay la ledahay dalalka uu cudurka HIV aad ugu faafay, waxay fududeeyeen in cudurku si fudud ugu dhex faafo bulshada maxaliga ah, iyadoo aan la helin hannaan ku filan oo lagu xakameeyo.
- Gaabiska wacyi-gelinta iyo xakamaynta cudurka ayaa sii xoojiyay faafitaanka xanuunka.
- Gooni-goosadka siyaasadeed ayaa yareeyay taageerada caalamiga ah ee caafimaadka, taasoo keentay in adeegyada HIV/AIDS aysan ku filnayn tirada bukaanka ama tayada adeegyada loo baahan yahay.
Saameynta Haweenka iyo Bulshada Guud
- Haweenka oo Si Gaar ah uu u Saameeyay Xanuunku: Tirakoobka ayaa muujinaya in cudurku uu si gaar ah ugu badan yahay haweenka. Tani waxay tusaale u tahay tabar-darrada wacyi-gelinta iyo ilaalinta bulshada nugul.
- Khatarta Bulshada: Fursadaha dhaqaale iyo caafimaad ee hoos-u-dhacay ayaa bulshada ka dhigay mid nugul oo halis u ah cudurka, iyadoo hargeyso ay noqonayso magaalada dadka ugu badan ee qaba HIV soomaaliya gudaheeda joogaan.
Gunaanad:
Hargeysa waxay la tacaalaysaa dhibaatada cudurka HIV/AIDS oo ay uga sii dareen khaladaadka ka dhashay siyaasadda gooni-goosadka. Xal waara wuxuu ku jiraa in la abuuro iskaashi maxalli ah iyo mid caalami ah, iyadoo la xoojinayo wada-shaqeynta bulshada Soomaaliyeed.