• Xeerka
  • Nagu Saabsan
  • Xayaysiis
  • Nala Soo Xidhiidh
Monday, June 2, 2025
  • Gelid
  • Register
Warbaahinta Golejoog
  • Bogga Hore
  • Warar
    • Giddi
    • Wararka Carro-edeg
    • Wararka Dalka
    • Wararka Khaatumo
    HAGARDAAMADA SIYAASADEED EE PL KU HAYSO KH

    HAGARDAAMADA SIYAASADEED EE PL KU HAYSO KH

    Xidhiidhka ka dhexeeya Goosatada Soomaalilaan iyo argagixisada Alshabaab.

    Xidhiidhka ka dhexeeya Goosatada Soomaalilaan iyo argagixisada Alshabaab.

    Hargeysa oo La Daalaa-dhacaysa Xanuunka HIV Iyada oo horay Ula Silcaysay Xanuunka Gooni-u-goosadka.

    Hargeysa oo La Daalaa-dhacaysa Xanuunka HIV Iyada oo horay Ula Silcaysay Xanuunka Gooni-u-goosadka.

    WFP MAAMULKA SSC-KHAATUMO

    “4 Qodob ay WFP ugu Gaftay Maamulka SSC-Khaatumo”

  • Ganacsi
  • Af & Dhaqan
  • Ciyaaraha
  • Qubanaha
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xidhiidh
Ma jirto wax natiijahi
Eeg Dhammaan Natiijooyinka
  • Bogga Hore
  • Warar
    • Giddi
    • Wararka Carro-edeg
    • Wararka Dalka
    • Wararka Khaatumo
    HAGARDAAMADA SIYAASADEED EE PL KU HAYSO KH

    HAGARDAAMADA SIYAASADEED EE PL KU HAYSO KH

    Xidhiidhka ka dhexeeya Goosatada Soomaalilaan iyo argagixisada Alshabaab.

    Xidhiidhka ka dhexeeya Goosatada Soomaalilaan iyo argagixisada Alshabaab.

    Hargeysa oo La Daalaa-dhacaysa Xanuunka HIV Iyada oo horay Ula Silcaysay Xanuunka Gooni-u-goosadka.

    Hargeysa oo La Daalaa-dhacaysa Xanuunka HIV Iyada oo horay Ula Silcaysay Xanuunka Gooni-u-goosadka.

    WFP MAAMULKA SSC-KHAATUMO

    “4 Qodob ay WFP ugu Gaftay Maamulka SSC-Khaatumo”

  • Ganacsi
  • Af & Dhaqan
  • Ciyaaraha
  • Qubanaha
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xidhiidh
Ma jirto wax natiijahi
Eeg Dhammaan Natiijooyinka
Warbaahinta Golejoog
Ma jirto wax natiijahi
Eeg Dhammaan Natiijooyinka

Warbixin: Khatar Dhab ah oo Ku saabsan Dagaalka Saddexaad ee Adduunka

November 23, 2024
Wararka Carro-edeg

Warbixin ka soo baxday wargeyska *The Independent* ee Ingiriiska ayaa iftiimisay sare u kaca colaadda Ruushka iyo Yukrayn, iyadoo la soo xigtay digniin uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha Boolaand (Pland), doonaald tusk (Donald Tusk), oo sheegay in colaaddu ay gashay “marxalad xasaasi ah” isla markaana khatarta dagaalka saddexaad ee adduunka ay tahay mid “dhab ah oo halis ah.” 

Arrintani waxay timid ka dib markii Ruushka uu ku riday gantaal cusub oo ah nooca xawaarihiisu aadka u sarreeyo, taas oo jawaab u ahayd isticmaalka gantaallada dheer ee nooca *Storm Shadow* oo uu ingiriisku siiyay Yukrayn (Ukraine) iyo kuwa kale oo Mareykanka uu ku taageeray, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday Gudaha Ruushka. 

Madaxweynaha Ruushka, Filaadmiir Buutin (Vladimir Putin), ayaa cambaareeyey weerarradaas, isagoo sheegay in Ruushka uu xaq u leeyahay inuu beegsado waddan kasta oo reer galbeed ah oo taageera Ukraine iyadoo la adeegsanayo hub noocan oo kale ah. Wuxuu ku hanjabay in Ruushka uu sii wadi doono isticmaalka gantaalkan cusub oo uu ku dooday inay adag tahay in la joojiyo, sida ku xusan warbixinta. 

Wargeyska ayaa sheegay in Putin uu wax ka beddelay aragtida Ruushka ee ku saabsan hubka nukliyeerka, isagoo ku dhawaaqay in weerar kasta oo Ruushka lagu qaado oo ay taageerayaan quwad nukliyeer ah, xitaa haddii uu yahay mid aan nukliyeer ahayn, loo aqoonsan doono weerar ay si wadajir ah u sameeyeen waddanka weerarka qaaday iyo quwadda taageertay. 

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha dalka hangari (Hungary), Viktor Orbán, ayaa sheegay in ay qalad tahay in la dhayalsado jawaabaha Ruushka, isagoo ka digay in wax ka beddelka aragtida nukliyeerka ee Ruushka aan loo arkin khiyaano ama kaliya digniin. 

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka (Pentagon) ayaa xaqiijisay in gantaalka ay Ruushka ku rideen uu ku salaysan yahay naqshadda gantaalka ballistic-ga ah ee *RS-26*, kaas oo qaadi kara madax nukliyeer ah. Sirdoonka Ukraine ayaa sheegay in gantaalkan uu ku socday xawaare ah *Mach 11* (oo u dhiganta qiyaastii 13,464 km/saacaddii), isla markaana uu bartilmaameedkiisa gaaray 15 daqiiqo gudahood, sida ay warbixintu sheegtay. 

Ficillada Ruushka ayaa ka careysiisay Yurub, iyadoo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha reer galbeedka, oo uu ku jiro Wasiiradda Difaaca ee Ingriiska, Maria Eagle, ay ku adkeysteen inay taageerayaan Ukraine. Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Czech Republic, Jan Lipavský, ayaa ku tilmaamay weerarka Ruushka mid loogu talogalay inuu cabsi geliyo Ukraine iyo Yurub. 

Ra’iisul Wasaaraha Ingriiska, Keir Starmer, ayaa isna sheegay in inkastoo Ingriisku uusan si toos ah dagaal uga qaybqaadan, haddana dagaalka Ukraine uu yahay mid muhiim ah si loo hubiyo in Ruushka uusan guuleysan, isagoo ku tilmaamay dagaalkan mid ku saabsan nabadgelyada Yurub.

Xigasho: Wargaysaka INDEPENDENT

ShareTweet
Boggii Hore

Ciyaar Ku dhex martay Garoonka Cabdi Bile xulalka ka kala socda D.Taleex iyo D.Laascaanood

Bogga Xiga

Isimadu maxay rabaan?

Related Posts

Xuutiyiinta Yemen oo gantaallo iyo diyaardo ku weeraray Maraakiib laga leeyahay Mareykanka
Wararka Carro-edeg

Xuutiyiinta Yemen oo gantaallo iyo diyaardo ku weeraray Maraakiib laga leeyahay Mareykanka

November 11, 2024
Bogga Xiga
Isimadu maxay rabaan?

Isimadu maxay rabaan?

UGU CAANSAN

  • SSC-Khaatumo

    Maxa ku qoran waraaqda kasoo baxday WFP ee ku Saabsan SSC-Khaatumo?

    0 shares
    Share 0 Tweet 0
  • Dhalinyaradii Buuhoodle aaway?

    0 shares
    Share 0 Tweet 0
  • Waa Maxay Colaad Sokeeye?

    0 shares
    Share 0 Tweet 0
  • BAROORDIIQDA GOOSATADA.

    0 shares
    Share 0 Tweet 0
  • “4 Qodob ay WFP ugu Gaftay Maamulka SSC-Khaatumo”

    0 shares
    Share 0 Tweet 0

ARAGTIYO

Dhalinyaradii Buuhoodle aaway?

Dhalinyaradii Buuhoodle aaway?

November 27, 2024
0

Buuhoodle laga soo bilaabo lixdamaadkii dawladdii rayidka ahayd illaa maanta oo carriga laga hirgeliyey maamul goboleed gaar ah oo dadka...

Waa Maxay Colaad Sokeeye?

Waa Maxay Colaad Sokeeye?

November 27, 2024
0

Waa Maxay Colaad Sokeeye? Mooge Umal(Abriil 17. 2024) Soomaalidu weli dawgii badbaadada ma ay hayso oo qar bay doonaysaa in...

BAROORDIIQDA GOOSATADA.

BAROORDIIQDA GOOSATADA.

November 27, 2024
0

Caasimadda dalka ee Muqdisho ayaa lagu qabtay kulan Baroordiiq ah oo loo samaynayo laguna waynaynayo Axmed Siilaanyo. Kulanka waxa ka...

Cirro waxba kama beddeli doono colaadda SSCKH iyo Sl

MURAAYADDA WAAYAHA: Hormada 1aad.

November 26, 2024
0

Cirro waxba kama beddeli doono colaadda SSC-khaatumo iyo Somaliland. Cirro ayaa Muuse baddelay, Muusena Siilaanyuu tare xigay, halka Siilaanyona uu...

Isimadu maxay rabaan?

Isimadu maxay rabaan?

November 24, 2024
0

Isimada dhaqanka SSC-KHAATUMO.

NALA SOCO

LAGUGULA TALIYAY

Toosi qallooca: hormada 1aad.

Toosi qallooca: hormada 1aad.

November 23, 2024
Guddoomiyaha ganacsatada Islii: Gabdhaha deggan xaafadda waa inay ka taxadaraan raacidda mootooyinka

Guddoomiyaha ganacsatada Islii: Gabdhaha deggan xaafadda waa inay ka taxadaraan raacidda mootooyinka

October 11, 2024
Dhalinyaradii Buuhoodle aaway?

Dhalinyaradii Buuhoodle aaway?

November 27, 2024
SSC-Khaatumo

Maxa ku qoran waraaqda kasoo baxday WFP ee ku Saabsan SSC-Khaatumo?

November 29, 2024
faahfaahinta dagaalka Ceerigaabo.

faahfaahinta dagaalka Ceerigaabo.

November 26, 2024
Koobka degmooyinka SSCKH: Afar dhammaad.

Koobka degmooyinka SSCKH: Afar dhammaad.

December 3, 2024
Warbaahinta Golejoog

© 2024 Golejoog.

WARBAAHINTA GOLEJOOG

  • Xeerka
  • Nagu Saabsan
  • Xayaysiis
  • Nala Soo Xidhiidh

NALA SOCO

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password? Sign Up

Create New Account!

Fill the forms bellow to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
Ma jirto wax natiijahi
Eeg Dhammaan Natiijooyinka
  • Bogga Hore
  • Warar
  • Ganacsi
  • Af & Dhaqan
  • Ciyaaraha
  • Qubanaha
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xidhiidh
  • Gelid
  • Sign Up
EN

© 2024 Golejoog.