Jamaal Cabdi Aadan Warsame waa Reer Berbera, wuxuu ka tirsanaa Ciidankii Somaliland ee laascaanood lagu jebiyey 5/08/2023, kuwaas oo fadhiisinkoodu yahay tuulada Oog, sida uu Maxkmadda isaguba u sheegay. Muddo 15 sano ah oo Somaliland laascaanood iyo soonaheeda joogtay waxa ay laayeen dad badan oo ay hab madaxjebis ah ku laayeen. Waayadii hore dadka qayb yar oo ka mid ah ayaa shaki ka qabay in aysan Somaliland dadka iyadu layn, balse qoladaas fahan xumaysatay waxa ay runtu u caddaatay markii goosatadii meeshii laga saaray. Haddaba, ninkan odayga ah waxaa uu u muuqdaa in uu yahay qolyihii madaxjebiska ahaa ee Laascaanood dadka ku layn jiray oo markii Somaliland meeshii laga saaray hagardaamadii iyo dhibkii ummadda Soomaaliyeed si uu usii wado Koonfur u socdaalay.
- Hababkii Somaliland dadka u layn jirtay iyo kuwa ay AS dadka u layso waa isku mid.
- AS carriga goosata(Hargeysa iyo Burco) dadka kuma layso.
- Madaxda AS 90% waxa ay kasoo jeedaan Burco iyo Hargeysa.
- Dadka ugu badan ee ku biira waa reer Burco iyo Hargeysa
- Aqoonyahan iyo caamo uma aysan kala hadhin.
- Boqor Buurmadow oo Isaaq ah baa Xamar kaga faanay in ay madax ka yihiin AS.
- Xildhibaankii u horreeyey ee Dawladda Federaalka isaga oo ka tirsan AS ku biiray kadibna isqarxiyey reer Hargeysa ayuu ahaa, waana Saalax-badbaado.
- Abwaannaddii ugu miisaanka cuslaan, sida Negeeye iyo Gama’diid labadiiba hadda waa Reer Jilib, iyaga oo yidhi janno ayaa aannu ku helaynaa dhiiggaa dadka Soomaaliyeed ee Koonfur iyo badhtmaha deggan.
- Shiikh Aadan Sunne oo dhawaan AS ku biiray guutadiisii iyo ardaydiisii uu Hargeysa dawrada ugu akhriyi jiray weli halkoodii Hargeysa ayey joogaan cidna lama hadasho oo midba maalin buu Jilib soo aadaa, sida kuwa maanta Xamar lagu Maxkamadeynayo.
Intaas oo dhan marka aad eegto; waxaa cad in Somaliland iyo AS ay yihiin hal urur oo labo magac leh. Ereyga aynu maxkamadaha ka maqalno ee “magac afgarasho” isna asalkiisu halkanuu ka yimid. AS magaceeda afgarashadu waa Somaliland. Sidaa daraaddeed, waa in bulshada soomaaliyeed ay ku baraarugtaa cadaawadda iyo hagardaamada AS/Somaliland ay dalka iyo dadka ku hayso , waana in aynu u midownaa sidii gacan bir ah la isaga qaban lahaa.
W/Q: SICIID SUGULLE.