Suuqyada ganacsiga ee xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa maanta xiran, iyadoo ganacsatada iyo dadweynuhu ay dhigeen dibadbax looga ashkatoonayo dil loo gaystay saddex haween oo Soomaali ah oo maydadkooda la soo dhigay xaafado kala duwan.
Goobaha laga dukaamaysto ee xaafadda ayaa ganacsigu maanta xiran yahay iyadoo guddiga ganacstadau sheegeen inay ku muujiyanaan siday ugu xun yihiin dilka arxan-darrada ah ee loo gaystay hooyo, gabadh ay dhashay iyo mid ay ehel yihiin.
Guddoomiyaha guddiga ganacsatada xaafadda Islii Axmed Sheekh Cabdirixmaan (Axmed Yare) ayaa BBC-da u sheegay inay dowladda jawaab ka sugayaan.
“Waxay ahayd dhacdo aan waligeed na soo marin, taas ayaan nagu kalliftay inaan Soomaalida isugu keeno oo bannaanbax qabo, si meel ugu wada soo jeedsado, dowladdana baaq u dirno” ayuu yiri Axmed Yare.
Guddoomiye Axmed Yare, wuxuu sheegay in xiritaanka ganacsigu sii socon doono inta ay ka helayana jawaab ay ku qancaan oo falkaasi la xiriirta.