Waxaa markii u horraysey la qabanayaa oo la ciyaarayaa tartanka koobka degmooyinka SSC-Khaatumo oo maanta oo Jimce ah taariikhduna tahay 22ka bisha Noofeembar 2024, ka furmaya garoonka Cabdi Bile ee magaalo-madaxda Laascaanood ee dawlad-goboleedka SSC-Khaatumo. Tartanka oo ka kooban shan degmo oo kala ah Laascaanood, Buuhoodle, Ceerigaabo, Taleex iyo Xuddun.
Tartankani waa mid muhiim u ah reer SSC oo shuruud u ah koobka maamul-goboleedyada dalka. Waa tartan la wada sugayey oo sida la qiyaasi karo xiiso badan yeelan doona.
Koobka waxa lagu bilaabayaa oo lagu furayaa labada kooxeed ee degmooyinka Buuhoodle iyo Ceerigaabo. Ciyaarta furitaanku waxay bilaabmaysaa saddexda galabnimo. Waa ciyaar adag oo aan la saadaalin karin natiijadeeda iyo cidda guuleysan doonta midna.
Tartanku waa is wada arag inta hore oo degmo walba waxay ciyaari doontaa afar ciyaarood. Degmo walba afarta degmo ee kale ayaa ay la dheelaysaa.
Waxa wareegga xiga ee afar-dhammaadka u gudbi doona afarta degmo ee ugu dhibcaha sarreeya halka kooxda ugu dhibcaha hoosaysa ay tartanka ka hadhi doonto.
Wareega labaad marka loo gudbo waxa la nasan doonaa hal maalin waxana tartanku dib u furmayaa maalin Talaada ah oo ay taariikhdu ku beegantahay saddexda bisha Diiseembar, 2024. Labadii kooxoodba hal ciyaar oo aan lug labaad lahayn bay ciyaari doontaa waxaana kulanka kama dambaysta ah isugu iman doona labada degmo ee soo badiya oo koobka kala qaadi doona hal maalin oo nasasho ah ka dib. Ciyaarta kama dambaysta ah waxa ay dhici doontaa maalin Jimce ah oo ay taariikhdu ku aaddantahay lixda bisha Diiseembar, 2024.
Guntii iyo gebagabadii, waxan degmooyinka u rejaynayaa guul waxannan sidoo kale ku dhiirrigelinayaa degmooyinka ilaalinta anshaxa iyo ciyaar wanaagga.