Dhalinyarada reer SSC-khaatumo ee Ciyaartoyda ah miyey ka bixi doonaan ballantii ay kula jireen kuwii iyaga la midka ahaa ee u naf baxay sidii ay u heli lahaayeen maamul deegaanka u gaar ah?
Dhalinyarada reer SSC-khaatumo, gaar ahaan bahda ciyaaraha, haddii ay magaca degmooyinka SSC iyaga oo wata cid kale ay taladooda ereg ugu dhiibaan waxa ay ku kacayaan laba khiyaano oo is barkan.
– Mar waxa ay khiyaamayaan dhalintii iyaga la midka ahayd ee u god galay maamulka dadkani gaar u leeyihiin in ay helaan, waana hubaal in ay iilka ka soo habaari doonaan.
– Mar kale waxa ay khiyaamayaan dawladdooda, oo arrinkaa meel cad ka istaagtay, waxa aanay ku mutaysan doonaan in lagu qaado xeerkii dhawaan barlamaanku ansixyey ee la magac baxay Xeerka Horgalka.