Waa Maxay Colaad Sokeeye?
Mooge Umal
(Abriil 17. 2024)
Soomaalidu weli dawgii badbaadada ma ay hayso oo qar bay doonaysaa in ay iska xoorto, waxa ay haysaa haloosigii ayaandarrada iyo halkii halaqu ku cunay, waxa ay reerka ku fureen guricas. Garashadii geeljiraha ayaa weli garta lagu naqaa, waxa ayna rabaan in aan eelka jira si toos ah loo abbaarin ee milil dushii la dhayo. Waxa ay ku fekeraan in nabad caabuq ah lagu maareeyo colaad xaaluf ah iyo dagaallo ribbaday oo wadaamo isku qoyeen, sidaas awgeed in maaraha iyo samaha la helo waa ay adkaanaysaa, goor xaal dhabqay ayaana la balasbalas leeyaa [leeyahay]. Marka aan damco in aan ka fekero sida taban ee ay Soomaalidu ereyada nuxurkooda u gasho, waxa igu soo dhacda in aan iskay arrintaas u yamxeeriyo, isla markaas aan furfuro fahanka gurracan ee ka danbeeya in ereyada sidaas loo adeegsado. Weedhaha aan nuxurka wadan ee ay Soomaalidu dhacdooyinka adag ku tilmaanto waxa ka mid ah, “Colaad Sokeeye” oo looga jeedo dagaallo burbur iyo basanbaas laga qaado, dhacdooyinka caynkaas ah in ujeedooyinka dhaliyay la garto la iskuma hawlo ee waxa la rabaa in si fudud dhibaatada dusha looga xaadiyo, loona sameeyo tilmaan af ahaan bixinaysa nuxur ismoodsiis ah oo dadka akhrinaya ama maqlaya gelinaysa dareen habacsan oo aan u dhiifoonayn sida belaayada dhacday u weyn tahay. “Colaad Sokeeye” waxay gudbinaysaa gacaltooyo aan jirin, waxa ayna tilmaamaysaa gaabis iyo hamrasho, garashada qofkana waa la yasayaa marka xaalad cakiran af suugaaneed lagu tebiyo, sida dhul dhiig iliilanayo oo loo weriyo sidii xareed sunsumaysa iyo naq udgoon oo ka soo carfaya raqdii gorofsanayd ee dooxada wadhnayd.
Colaaddii Laascaanood, maxaa aysan u ahayd mid sokeeye? Horta, si aan kuu fahansiiyo in ereyga “Sokeeye” dagid ku jirto, waa in aad garatid sababta loo adeegsanayo goortan ee aan loo keenin marka ruuxa gardaran uu qooqa iyo aabiga la qamaamayo. Ma rabno, [rabo] in aan is yeelyeelno, balse Soomaalidu waa dad sokeeye ah, waana arrin aan inaga rabin in aan dood dheer soo meerinno ama aan sooyaalka ka baadhno si aan u caddaynayo in aan ehel iyo xigto nahay. Sokeeye, waa erey qurux badan oo sida ereya badan oo la mid ah ku dhaw in uu hagaaso siyaala laga yaabo in ay yihiin adeegsiga qallooca ee loo qaatay iyo nuxurka godobaysan ee inta badan lagu xambaaro, in badanna ereyada Soomaaliga ah ee dhacdooyinka waaweyn iyo arrimaha sooyaal ku salaysan loo adeegsado waa ay dhiillaysan yihiin oo waxa bahdilay tarjamada xarfiga ah ama qallalan ee loo qaato, yeelkadeede, weedhani waxa ay inta badan u taagan tahay garashadii geeljiraha, maxaan tan uga jeedaa? Soomaalidu waxa ay ku maahmaadaa “Gacma geeljire hoos baa loo dhaqaa” ma filayo in aad maahmaahdan u bogtay haddii aad dhugatay nuxurka ay bixinayso, waxa ay jidaynasaa, in aan garsoor la qaadin, garta in aan si hagaagsan loo gelin, in sida la sheego, gartu aysan laba nin ka wada qoslin, balse la moodo in la doonayo gartu in ay laba nin ka wada qosliso ee aan gardarrada la jebin, xaajaduna mudhbixin oo aan la ragaad saarin, la yaabse ma ay laha oo waxa ay maahmaadu sheegaysaa, in dhibaatada la huursado, la dhayalsado, dabadeedna hadhow aan laga aayin wixii belo ah ee ka yimaadda. Soomaalidana waxa rogaysa nin gardaran oo la maamuusay, nin gar lahaana quudhsado iyo dhacdo weyn oo la yaraystay.
“Colaad Sokeeye” ma dhacdo tilmaamo la yaqaan leh oo la garan karo baa? Maya, colaad Sokeeye, waa weedh afgobaadsi ah oo ay Soomaali taqaan, waxa ayna adeegsataa marka ay nafteeda ka yaabi wedyo, marka ay yaxyaxi weydo ama ay ku dhiirran weydo in ninka garta leh gartiisa siiyo, wixii jirana si hufan u sheegto. Weedhani waxa ay soo baxday intii Soomaalidu warbaahinta yeelatay, waxa aan filayaana in dhismaha weedhan afaf kale lagu soo naqay, waxa uuna hirgalay waayihii burburka. Waxa si bisil loo tarjumay “Civil War” oo macna ahaan noqonaysaa, colaad maamulka iyo kooxo kala qaybsan oo bulshada dalka degan ka mid ku jiraan, haddii aan sii faahfaahinno, waa sidii dagaalladii jabhadaha iyo kacaanka dhex maray oo kale, waana dagaallo dalka gudihiisa ka jira. Erey bixinta Carabiga ayaa Sokeeyanimadu ku jirta oo “حرب الأهلي” ayaa ay iyagu taas hore ku tarjumeen, innagana tan baa ereyga Sokeeye ku bannaan yahay “Civil” oo waa erey aynaan si fudud u fahmi karin, waa sifo macnaheedu yahay reer magaal, Afcarabigana waa “مدني” oo macnahaas hore ee aan soo sheegnay leh, sidaas darteed ereybixinta ingiriiska ah sideeda uma aynaan qaadan ee waxa aan dheegannay tan danbe ee Carabiga ah, iyada ayaana fahan Soomaali ah oo dhaw yeelnaysa, waxba yaynaan labada erey sii faaqidin oo haddii aan u galno waxa aynaan hurayn in aan u gudubno ereybixinta Ilbax oo faalladeedu iman doonto, markaas tahan bay inoo la arooraysaa, run baa wacan ee sida tarjmada “Sokeeye” loo doortay waa mid halkan ku qamman, hasa ahaatee sida ay Soomaalida u faallayso ama u adeegsato waxa ka muuqata kala duwanaan ku saabsan sida uu ereygu dhalad ahaan macna kan lagu macneeyay mid ka macaan dadka ugu leeyahay oo u dhaadaan.
Weedhu waa mid aynaan dhismaheeda lahayn, sabatoo ah innagu ma lihin ilbaxnimo dawladeed oo aan marxaladaha caynkaas ku faaqidi karnay, colaadihii hore ee Soomaalidana weedhan lagu ma tilmaami jirin si halista iyo waxyeellada dhacday loo foolxumeeyo, colka dirirayna loogu sheego in ay ehel iyo dad wada dhashay yihiin, waxanna u malaynayaa in fahankan dad badan ku jiro marka ay weedhan u adeegsadaan colaado qabiillo dhex maray iyaga oo ay damqasho ka tahay. Weedhani in aysan deegaan ahayn waa sababta aan filashadayda ugu cuskaday in ay Soomaaliyeeyeen weriyaayaashii hore ee hawlkarka ahaa, sida kuwa tan la mid ah ee ay sida qurux u golefuuleen oo haddana u sugeen. Soomaalidu se waxa ay weedhan u adeegsataa fahanka ay ereyga “Sokeeye” Ka dareemayaan oo tilmaamaya, colaad dad is ah ama wada dhashay ka dhex qaraxda, weedhinana nuxurkaas ma gudbinayso ee waxa ay tilmaamaysaa sida hannaan dawladeed ama maamul loo qeexo colaadaha gudahiisa ka hulaaqa ee maamulka iyo kooxa hubaysan u dhaxeeya, Haddaba, ereygu waa inaga gidmaday ee halka aan ka dayayno ma jiro, waxana aan is leeyahay waxa ugu qumman oo si doqon magaratay ah u adeegsaday qorayaal dhawr ah oo reer Soomaalillaan ah oo dagaalkii Laascaanood ku sheegayay “Colaad Sokeeye” si ay naftooda ugu maaweeliyaan in reer Laascaanood iyo SL yihiin maamul iyo bulsho is ah oo colaad ka dhex dhacday, waase maaweeladii Hargeysa muddada dheer ka jirtay ee carruurtii maaweeladaas hooyooyinkood lagu shukaansaday maanta barbaar yihiin, dar badan oo ka mid ahna geeri foolxumo leh dooxooyinka Nugaaleed ugu go’een oo raqdooda bahalku ka dhergay—Aan si daacadnimo leh dhurwaagii ka dhergay gacan salaameed ugu diro. “Isagay ii gargaaroo dugaag iiga gooniya e, haddaan garan gunnaan siin lahaa goor iyo ayaan!”
Colaaddii Laascaanood waxa ay ahayd mid ka duwan dagaalladii qabiilada Soomaalidu is layn jireen oo inta badan ceel iyo carshin ka kici jirey, waxa ay ahayd dhacdo sooyaalku si deeqsinima leh u soo naqtiimayay gashi hore oo awdnaa, waxa uu ahaa dagaal gobanimo iyo gunimo ku dhisan, waxa uu ahaa, dagaal geeri iyo nolol u dhaxeeya, libtuna waxa ay ahayd ilays qaxaya oo dhul shishe ka soo hiraya, guushu waxa ay ahayd riyo qurux badan oo hiigsigeedu barwaaqo iyo badhaadhe yahay, sidaas awgeed ma aysan ahayn dhacdo iska fudud oo inta weedho fudud laga yidhaahdo laga gudbi karay. Laascaanood, waa deegaan qabiilka Dhulbahante leeyahay, waxa duullaan adyad ah ku soo qaaday qabiilka Iidoor oo Hargeysa iyo Burco dhito u ahaayeen, sidii uu Cali-Dhuux sheegay, “Dhoobada Burciyo Hargeysana waa dhito u taal!” Waxa ay dhulkaas aysan lahayn duullaanka ugu soo humiyeen in dhaxalwareejiyaan dadka leh, waana arrinta yaabka badan ee ay dad badan oo aan duullaankan u war hayn la fajaceen. Soomaalidu ma aysan aqoon in ay sidaas ugu riyoodaan in ay mulkiyaan dhul reer kale leeyahay. Markii ay dhulkoodii taladiisa yeesheen in ay dheeraad doonaan ayaa garashada ku sintay, waxase ay ahayd wax qosol leh, mana aysan fududayn in dhiig daato, liibaanta ayaase ku jirtay in sidaas la yeelo oo alabkiisa la mariyo maankaas gurracani.
Salowgii Nugaal, ama haddii aan saafo, colaaddii Laascaanood la ma aysan mid ahayd dagaalladii xooladhaqatadu geli jirtay ee inta badan ku salaynaan jiray rag la iska dilay ama geelleydu dhinbiisha u hurini jirtay si ay xallad uga raadiyaan, “Xaraaraysi” ayaa uu ahaa—Masaladan waxa aan ku keenkeenay, qoraagii Cali Werdi marka uu jaahiliyaddii Carbeed ka sheekanayo waxa uu sheegayaa in ay jeer badan isu layn jireen si ay xallad ugu helaan ama ay ugu xaraaraystaan. Ereyga xaraaraysi ayaa markii koowaad ee aan faallada Cali xusuustay igu soo dhacay, waxa aan ka dhex helay fahan qofeed oo arrintaas ku saabsan. Sayid Maxammed oo colaad ku haminaya ayaana adeegsaday, gabayga Xiin Finiin, “Xinjirtooda dhiigga leh haddaan lagu xaraaraysan” waxa uu leeyahay ma rabin in aan faraska bixiyo inta aan qoladaas dhiiggooda lagu damashaadin, sidii uu Cali Werdi dagaalladii Carabtii hore ugu tilmaamay in ay isku “Xaraaraysan” jireen — Inta badanna qolyaha colaaddu ka dhex dhacdo in la heshiiyo waa ay u fududayd markaas haddii waxa uu ka kacay iska ahaa falal doqonimo ah oo dad baasi sameeyeen. Dagaalkanise sidaas ma uusan ahayn oo waxa uu ku qotomay aragti wecel ah oo ararteedu ahayd: Aan kuu taliyo, waa la ina wada gumaysan jiray, iyo damac jaan oo qolyaha duullaanka ah indhaha tiray. In ay wax isbideenna waa ay dagtay oo qarow dheer oo muddo ay la ildarnaayeen ayaa ku simay in ay gabaahiir istubaan. Waxa aysan colaaddaasi mid “Sokeeye” noqon karayn, ereygaasi waxa uu leeyahay fahan silloon oo aan lagu qeexi karin dagaalkaas, maxaa yeelay, ma uusan ahayn dagaal ku saabsanaa ismaandhaafyadii Soomaalida dhex mar jiray, waxa uu ahaa, mid ku salaysan in qabiil Soomaaliyeed ban la istaagay in uu dawlad gooni ah samaystay, reeraha kalana yidhaaho wax aan la leeyahay wax uu “Xuduud” u bixiyay, qaarna ku duulo, sidii in uu Imbiraaligii diirka caddaa jilayo, waana uu jilayay oo fekerkiisii ayaa uu sheeganayay in uu ambaqaaday. Kollay, ninka aad is haysaan in aad u garawdid waa raganimo ee reer Hargeysa, waxa ay ku dhiirradeen in ay dhul iyo dal nin leeyahay qabsadaan oo sheegtaan in dhaxalkiisa uu jeer hore siiyay gumaystihii diirka caddaa— Sida uu u malaynayo waxa uu yaqaan in uu madowga kale ka jeclaa— Isla markaasna garna u leeyihiin in ay dhulkaas ka taliyaan, waase garasha xumo aan dawo lahayn, maxaa yeelay, Soomaalidu ma kala itaal badna, mana dhacayso in uu qarowgaasi rumoobo, ee haddii ay fekerayaan, waxa wanaagsan in aysan maydkooda soo fogayn, tamarta iyo itaalka gubaya geliyaan sidii ay u garawsan lahaayeen in aysan guul ka helayn reer kale oo ay ku dulaan iyo riyo ay dharaar cad ku maararoobaan.
Wiilal Soomaaliyeed in ay silic u dhintaan ma mudan tahay in la is weydiiyo? Waan ogahay oo weydiintu mar waxa ay leedahay feker cadownimo leh oo laga yaabo in uu qofka dhaladka ah yidhaahdo maxaa taas su’aasha loo gelinayaa, marka xigta se haddii aan la is yeelyeelayn weydiintan in la keeno xilligan la joogo waxa aan arkaynaa in aan tol badan ama Soomaalida is dilaysaa aysan dan ka gelin, wiilal Soomaaliyaadna dabka loogu guro si aan naxariis lahayn, waana arrin mudan oo marka qabiilladu is dilayaan dhibaatada lama soo hadal qaado oo in Soomaali dad wada dhashay yihiin aad looma xusuusto, sidaas darteed, waxa aan qabaa in aan damiirkeenna xanuujinno oo garwaaqsanno in ubaxaas sidii xanshashada xaaba maac ahi loogu shido. Waxa jirta in marka reeruhu dirirayaan fekerka toolmoon la iska tuuro oo itaal la isugu geeyo sidii gawraca iyo dhiigga xeelado lagu soo badiyo loo keeni lahaa, ma dhab baa oo waxa aynu nahay dad wada dhashay? Anigu weli kama go’in in aan diirnaxo, welina kama tegin in aan gardarrada sheego oo isku dayo in aan si kasta oo aan hayb qabiil u huwanahay garto in aan dan ku jirin in ay Soomaalidu is layso, maxaa yeelay, waxa aan rabaa in aan gobanimo ku dareemo dhalashada iyo dadnimada lafteeda, dilkuna waxa uu Soomaalida ka noqday xeelad ay ku garramaan. Dadka aan uga tago, Soomaalidu miyay is neceb tahay? Waxa aad dhugan kartaa halka ayaandarradu joogto, maxaa wacay, waxa aan haybinaynaa xaqiiqada aan dhab ahaan maanta ku sugannahay, xaalkuna waxa uu marayaa in aan hal’abuurno tabihii aan isku tirtiri lahayn.
…
Dagaalka reer Hargeysa ku hamminayaan waa mid ka duwan colaadaha ay Soomaalidu baratay, waana sababta aysan u wacnayn in weedha “Colaad Sokeeye” loo adeegsado ama loogu sheego, aan u raadinno magac kan ka liita si aan ugu yaraan u fahanno colaaddaas lafteeda iyo garashada ka danbaysa ee dad iska dhan si wadar ah u go’aansadeen gardarrada inaysan joojin.
WQ: MOOGE UMAL.
(Abriil 17. 2024)