“Mooskada raggan u duulayee maylka tirinaaya. Goormaa waxay muujiyaan lagu manaafiici. Ma mardaadi baa socodka aan miiq la qabanaynin. Sow riigna noogama mudaan madasha Buuhoodle” ~Aadan-carab.
1: Fahamka ay bulshadu ka haysato dawladnimada
Muxuu yahay fahamka ay bulshadu ka haysato Dawladnimada?.
Bulshadu fahamka kaliya ee maamulka uga baxsani waa in uu yahay wax ay iyagu leeyihiin oo ku yimi halgankii jiritaanka iyo taladii soo baxday 6-2-2023kii, wax intaa ka badan oo ku jiraa ma jiro, baraarug la’aanta shacabka haysataana waxa ay keentay in ay noqdaan dad aan hal-abuur lahayn oo kaliya wax loo yeedhiyo, taasina waxa ay sababtay in qof kasta oo bulshada ka mid ah uu sas u arko in maamulka la toosiyo ama lala xisaabtamo.
2:Baraarug la’aanta maamulka.
Wax aan caano iyo nabad ahayn ba waa la kala qaaddaaye maamulku sidii uu Mudane Cali Khaliif uga baraad la’aa shaqada loo igmaday ee uu Xamar iyo Hargaysa masiirkiisa uga dhex raadinayay ayuu u dhiila-dhaansaday oo intii uu dawlad dhis geli lahaa waxa uu kaga itaalay in masiirkiisa Xamar laga jiheeyo. Sidoo kale muddadii uu maamulku shaqaynayay waxaa daciifay ahmiyaddii cidanka, jihaynta iyo wacyi gelinta bulshada, oo xiligii halganka waxaa jiray dhalinyaro iskood isku abaabulay oo wacyi gelinta bulshada iyo la dagaallanka caddowga isku waday.
3: Aragtida maamulka.
Haddii aan la helin dawlad aragtideeda fikirkeeda iyo shaqadeeduba saxanyihiin waxaa imaanaysa dawladxumo, musuq, eex iyo dib-u-dhac. Aragtida maamulku waxa ay jirrid u tahay jiritaankiisa, xukuumadda Mudane Firdhiye waa in ay aragti ka leedahay Colaadda SSC-KHAATUMO iyo Soomaalilaan oo aan ahayn colaad sokeeye iyo mid deris ee ay tahay colaad lagu difaacayo jiritaan bulsho. Sidoo kale maamulka SSC –Khaatumo ee hadda wax aragti ah oo ay ka yeesheen xuduudaha rasmiga ah ama meel ay ku jaan gooyeen ma jirto waa se wax furan oo ay tahay in hoggaanka iman doona ku xisaabtamo qorshena ka yeesho.
4: Maamul daadejin.
Xukuumadihii kala danbeeyey ee Barde Khaatumo sidii ay Taleex, Boocame, Saaxdheer iyo Buuhoodle hadba goob u fadhiyeen ayey ku dhaceen. Waxa ayna ku danbeeyeen Caynaba in ay cadowgii isugu dhiibaan. Xukuumadda hadda joogta in ay dhabbadii hore qaaddo uma baqayo oo waxaa maamulka ilaalo ka ah bulsho da’kasta leh laakiin baraarug la’aanta madaxdu waxa ay keentay in aysan dhugmo u yeelan maamul daadejin oo hadda maamul daadejinta Mudane Cabdiqaadir Awcali {Firdhiye} waxa ay si toos ah uga hirgashay degmada Laascaanood oo degmooyinka kale si hufan uma ay gaadhin.
5: Horgalka iyo maamulka.
Waxaan bogaadinayaa Xildhibaannada Baarlamaanka SSC-KHAATUMO oo soo saaray xeerka horgalka inkasta oo ay ku habboonayd in xeerku qabanayo qofkasta oo xil ka soo qabtay Soomaalilaan ama aragtidii cadowga qaatay, taasi waxa ay ka hor tagi lahayd dibindaabyada horgalka. Qofka horgalka ah waa qof u samaysan rabbaayad iyo dhabar-salaaxnimo waxaase ayaan darro ah in uu maamulku ahmiyadda koobaad siiyo shaqsiyaadkii caada qaatayaasha ahaa oo uu ka horraysiiyo siyaasiga xer u dhaladka ah midka PUNTLAND ka soo shaqeeyay iyo midka fedderaalka ka yimi ba oo kii horgalka ahaa la dhaho waxa uu leeyahay takhakhus aysan dadka kale lahayn. Waxaa iyana sabab u ah bulshada deegaanka oo qofka ku qiimaysa aragti qabiil, ka dib waxaa dhacda in kii shalay jiritaanka bulshada diidanaa uu shaadh qabiil soo xidho oo uu lumiyo masiirka kuwii shalay hoobiyaha lala dhacayay iyaguna aysan ka diirin.
“Run itaal xun been lagu aflaxay aamin sharaf waayay! Naftii eedda badan Iyana waa Iyana waa ammuuraha kordhiyo eelka saa’iday” ~Aadan Cabdi Gaas.
W/Q: Cabdinaasir Cabdiraxmaan (Qaryaan Bootaan).