1991 waxaa burburtay dawladdii weynayd ee Soomaaliyeed, dalkuna waxa uu galay colaado sokeeye oo lagu riiqmay. Dawlad la’aan ayaa uu dalku isugu biya shubtay, burbur iyo barakac badan ka dib waxaa la dhoobdhoobay dawlad magac u yaal ah. Intaas waxaa barbar socday Somaliland oo goonni u goosad ku dhawaaqday xuduudkeedana ku sheegtay kii guumaystaha gaalka ahi ka tegay ee 1960 kii burburay ka dib markii xornimo dalku wada qaatay. 20 sano wax ku siman ka dib ayaa dalku federalism u dhaqaaqay oo qolo walba gobollo dhawr ah maamul goboleed u samaysatay. Badi qabiilladu maamul goboleedyo u gaar ah oo dawladda Federaalka hoos taga ayaa ay samaysteen marka laga reebo qabiilka Dhulbahante. Dhulbahante isku dayo badan oo maamul unkid ah ayaa uu u dhaqaaqay, nasiib darro se ma guulaysan. Taas beddelkeedana waxa uu dhexda u galay maamul goonni-isu-taag ku dhawaaqay iyo Puntland oo maamulladii ugu horreeyay ee dalka ka mid ah. Labadaas maamul ayaa uu Dhulbahante gundhada u galay oo marwalba caqabad ku ahaa kana hortaagnaa in uu maamul noqdo.
Dhulbahante isaga ayaa isugu wacnaa in dhibtaasi ku dhacdo waayo midnimo la’aan baahsan ayaa dhextiillay. Taas waxaa u dheerayd, in ay hormuud u noqonayeen marwalba Dhulbahante, caadaqaatayaal calooshood u shaqaystayaal ah oo qaddiyad iyo aragti aan xanbaari karin kana arradnaa garashada saliimka ah, kolkaasna ay cadawga la soo safanayeen dilayeenna rejadii shacabweynaha Dhulbahante qabay ee maamul unkidda ahayd.
Dhulbahante marnaba waqtiyadaas ma uu lahayn mawqif midaysan oo ku aaddan jiritaankooda iyo dawladnimadooda. Waxa ay u qaybsanaayeen qayb midnimo Soomaaliyeed iyo dawladnimo dhab ah sugaysay inta ay imanaysana go’aansatay in ay noloshooda gaarka ah wataan, qayb Somaliland dan u arkaysay (qaybtani waa caadaqaatayaashii calooshooda u shaqaystayaasha ahaa ee aragtida saliimka ah ka arradnaa), qayb Puntland u jihaysnayd oo halkaa dan u arkaysay, iyo qayb dhalad ah oo qaddiyad iyo aragti qummanaan ku suntanayd, balse kuwaas marwalba waxaa soo dhexgalayay oo hor-istaagayay calooshood u shaqaystayaal rabbaayad u ah Puntland ama Somaliland, qolyahaasi marwalba talada maamul dhisidda ayaa ay gacanta ku dhigayeen oo hadba labadaa maamul mid ula kacayeen. Sidaas ayaana looga adkaanayay dhaladkii qaddiyad qumanaanta ku astaysnaa.
Dhulbahante maadaama oo uusan lahayn maamul jiheeya oo ay la xisaabtamaan waxaa taladooda hayay 14 isim iyo cuqaal iyaga hoos taga. Isimmadaasi waxa ay si toos ah ugu kala jireen labadaas maamul, marka maamul unkid loo dhaqaaqana waxa ay ahaayeen rag horbooda oo beyaanno isdabajoog ah iska soo daba daaya iyaga oo leh: “Puntland/Somaliland si cad ayaa aannu uga baxnay, maamul ayaa aanuna ku dhawaaqnay”. Dhibtu se waxa ay ahayd in aysan raggaasi ahayn rag dan Dhulbahante wada ee ay hadba dantooda gaarka ah meesha ay ka dhex arkaan aadayeen ama ay khilaaf dhexdooda ah iyo ficiltan ay hadba maamullada ugu kala biirayeen.
Tiroba dhawr jeer oo kala fogfog ayaa ay si cad u diideen ka mid ahaanshiiyaha maamullada darafyada ka xiga, kuna dhawaaqeen maamul dhab ah. Hase ahaatee marnaba diidmadoodaasi ma ay shaqayn ee sidoodii ayaa ay waxwalba ku sii socdeen ulana shaqaynayeen maamuladaas!
Maxaa sababay in hadalkooda iyo ficilkoodu is khilaafaan? Maxaa sababay in ay beyaannadaa soo saaraan haddana ay wax ka soo horjeeda beyaannadoodii, sameeyaan?
Guntii iyo gebagebadii, 6dii February 2023 waxaa ay isimmada oo wada jira ku dhawaaqeen maamul cusub oo SSC-KHAATUMO la dhaho, si toos ahna u hoostaga Federaalka. Markan Somaliland dagaal dhab ah oo loo midaysanyahay ayaa lagala hortegay, ubucdii Dhulbahante na waa laga saaray, inkasta oo weli dhul badani maqanyahay, arrintaasna markan guul ayaa laga keenay. Dhulbahante se Somaliland kaliya ma ay sheeganayn ee Puntland ayaa iyana sida oo kale sheeganaysay oo dastuurkeeda ay gobollada Dhulbahante ku qornaayeen.
Axdigii 6dii February waxa uu ahaa mid labadaas sheegashaba u qoosgoynaya oo aan mid gaar ah u aabbayeelayn. Waxaa la gaadhay doorashadii Puntland, xubnihii Dhulbahante metalayay ee Puntland joogay waxaa ay isimadu si cad u diideen in ay doorkan xulaan, beyaanno cadcad ayaa ayna soo saareen. Balse sidii caadada ahayd ayaa ay ballanfur sameeyeen axdigii 6dii February na si toos ah uga hor yimaaddeen, wayna soo xuleen xildhibaanadii deegaannada Dhulbahante metalayay, Madaxweyne ku xigeen ayaa uu Dhulbahante na yeeshay, Hambalyo iyo bogaadin ayaa ayna isimadu u direen dadyawgaas!
Puntland iyo SSC-KHAATUMO weli waa ay isku dhex walaaqanyihiin mana jiro qorshe cad oo ay isimada iyo madaxda deegaanku ka leeyihiin arrintaas.
Kol haddii isimadu waxna odhanayaan wax ka soo horjeedana falayaan, oo markii horena Somaliland diideen ka dibna ku sii jireen, haddeerna Puntland in aynu metelaad ku yeelanno diideen haddana isla iyagu ansixyeen oo ay saxeexooda ku joogaan xildhibaannadaasi, ISIMADU MAXAY RABAAN?
Isimmadu si wada jir ah ayaa ay u sheegeen in ay doonayaan maamul Dhulbahante u gaar ah, wayna u dhaarteen. Haddeerna wax dhaartii iyo axdigii ka soo horjeeda ayaa ay faleen! Haddaba sidee ayaa ay wax u doonayaan?
W/Q: Keenadiid Cali-Xiis.