Caasimadda dalka ee Muqdisho ayaa lagu qabtay kulan Baroordiiq ah oo loo samaynayo laguna waynaynayo Axmed Siilaanyo. Kulanka waxa ka soo qaybgalay madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud, wasiirro, xildhibaanada laba aqal iyo masuuliyiin dawladeed, kuwo hore iyo kuwo kale.
Siilaanyo sida aynu ognahay mar wuxuu hormood ka ahaa jabhadihii burburinta dalka ka qayb qaatay gaar ahaan jabhadii SNM oo dhashay fikradda qarriban ee kala goynta dalka. Mar kale waxa uu Siilaanyo hormuud iyo madaxweyne ka noqday maamulka Somaliland oo u taagan kala goynta dalka iyo nacaybka ummadda Soomaaliyeed.
Haddaba su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah, qof ka qayb qaatay oo ka shaqeeyey hormuudna ka noqday kala goynta iyo burburka dalka ma mudanyahay weyneyn iyo baroordiiq lagu qabto caasimaddii dalka oo ay ka soo qayb galaan madaxweynihii iyo masuuliyiintii dalku?
Sida saxda ah ee la baalmarsanyahay, waxay ahayd in dagaal toos ah lala galo fikirka kala goynta dalka iyo dadka fikirkaas wada. Dunida oo dhan, dal walba waxa uu xaq u leeyahay inuu xidhxidho, laayo soona afjaro cid walba oo dalka kala goynaysa. Iyada oo aan intaas midna la samayn oo masuuliyad darradaas weyn lagu kacay in haddana hormuudkii kala goynta dalka la muuneeyo waxay tilmaamaysaa inaan dalka dadka madaxda u ahi dan ka lahayn, qaranimada waddankuna aysan mudnaanba u lahay, isla markaana goosatada ayay ku gacansiinayso aragtidooda waallida ee dalkaba laga kala goynayo Muqdisho.
Runtii waa arrin aad looga xumaado iyo xaqiiqo foolxun oo ay tahay in ummadda soomaaliyeed talo ka yeelato su’aal weynna la geliyo madaxda dalka ee lidka ku ah wixii loogu talagalay
WQ: MOOGE UMAL