W/Q: Maxamed Baashe
Dhammaan magaaladu waa ay suuxday. Magaalada dhexdeeda nalalkii waddooyinka ayaa si gaabis ah u nuuraya, oo u muuqanaya sidii kuwo daallan, oo habeenkii oo dhan la halgamayay mugdiga. Nalalku waxay u egyihiin indho hurdo la’aan qabay oo haddana isku dayaya in aysan damin. Dhulku wuxuu u ekaaday mid faaruq ah, oo aan wax noola ahi ka muuqan. Waddooyinku waa madhan yihiin, hareeraha dhismayaashu waxay u taagan yihiin sidii dhagxaan waaweyn oo camal iska diiday. Guryaha qaar ayaa nal iftiin yar ka shidan yahay, sida in ay cabsida habeenka kaga gambanayaan. Dayaxu, isaga oo ku dhexdillaacay samada, wuxuu ahaa mid aan nuur badan lahayn, oo sidii indho huran oo caajis ku jiro. Cirka wuxuu ku firdhiyay xiddigo, kuwaas oo aan isku xidhnayn balse farriin hoose oo sir ah isu gudbinaya, haddana cadceed ma aha oo marna xiddiguhu halis kuma noqon karin mugdiga.
Saqdadhexe, waqtigu wuxuu isu rogaa wax aanan la tilmaami karin. Dadka intiisa badan waa ay hurdaan, balse kuwa soo jeeda waxaa qabsada sheeko kale, sheekadaas oo ay keligood la nool yihiin. Ma jiro qof kale oo aad la wadaagi karto sheekaddaada ammintaa, maxaa yeelay waa waqti qof walba uu isagu la kulmo naftiisa, kalinimadiisa iyo waxyaalaha aan cid kale fahmin. Waxaa lagu jiraa waqtigaas yar ee u dhaxeeya caweyska iyo waaga. Waa wakhti waaqiciga iyo riyadu ay is dhex maraan. Waxaa la gaadhay saqdhexe, waana xilli xaqiiq iyo mala-awaal ay ka la soocmeen. Waxaad dareemeysaa in aad tahay qof ka go’an dunida, balse haddana ku xidhan wax ka weyn. Waxaa ku duugan jawigaas xasilloon aan runtaada ka jawaabi karin ilaa aad waqti badan la qaadato. Intaas waxaa dheer, habeenku xilligaa wuxuu xambaarsan yahay dareen cabsi iyo xasillooni isku mar. Waa sidii in aad wax daawanayso, balse aanad arki karin. Maalintii waxaa ka muuqan jiray dhaq-dhaqaaq joogto ah oo ku hadhay iftiinkii qoraxda, balse goortaas, waxa kasta waa ay deggan yihiin, waxna waa ay iska aamusan yihiin.
Cabsida waqtigaas ku jirta waa mid aan caqligu dood ka keeni karin, oo waa xilli qof walba is ogyahay in waxa ugu badan ee uu la halgamayo in aysan ahayn dadka ka le, balse ay tahay naftiisa iyo fikirradiisa qasan. Qofka dhex socda magaalada waqtigan wuxuu dareemayaa in mugdigu la hadlayo, oo marba marka ka dambeysa wuxuu maqlayaa codad shanqadhaya oo ka soo yeedhaya meelo fogfog, haddana aanan si cad u muuqan. Waa codad la moodo in ay yihiin xasuus ama dhacdooyin habeen hore la soo maray, kuwaas oo markan dib u soo noqday. Waxaa laga yaabaa in ay yihiin codka dabaysha oo la hadlaysa dhirta iyo dhismayaasha cidla’da ah, waxayna kuu sheegayaan sirta habeenka.
Saqdadhexe, wuxuu leeyahay awood gaar ah oo maanka iyo dareenka kicinaysa. Waqtigaas, maskaxdaada waxay u shaqaynaysaa si aan caadi ahayn. Fikradda iyo qiyaasta ayaa ku loolamaya, waxaad dareemeysaa inaanay wax waliba ahayn sidii ay yihiin inta lagu jiro maalinta. Waxyaalaha aad maalin walba iska indha tirto, oo aad u qaadatay kuwo aan muhiim ahayn, waxay habeenkaas u muuqdaan kuwo si qoto dheer kuu taabanaya, balse waxay la hadhaan habeenka, oo haddii waagu baryo wax waliba waa sidii hore.