W/Q: Maxamed Baashe
Marka dadka af soomaaliga ku fiican ee aqoonta u lihi isku taxallujiyaan in ay adeegsadaan afka ubucdiisa ee aysan kalmado kooban ku soo gudbin hadalka ay dhisaan oo ereyada hodanka ah ee afka ay geliyaan qoraallada curiska ah ay sameeyaan, dadka badankooda ma jecla in ay akhriyaan, sababtuna waa in aysan garanayn boqollaalka erey ee iyaga ku cusub ee ku jira. Waxaa caadi ah dadku wixii aysan fahmayn in aysan xiisayn, balse ma aha in ay doonan in kalmadaha afku ku kaydsan in laga qufo oo loo fududeeyo. Haddii sidaa la yeelo ha ogaadeen in dadka wacyiga iyo aqoonta leh ay ka tiiraayoonayaan in uu afku dadka oo jooga dabargo’o.
Haddaba arrinta noocaas ah si aynu uga bogsoonno waa in dadka afka jecel balse aan garanayn ay maansadiisa iyo halkudhegyadiisa daraaseeyaan oo la ogaada in aynu leenahay luqad xeeldheer oo tacbiiraad sare leh. Waa in la ogaado haddii aan afkeenna si run ah u barano in aynu ka maarmi karno ereyo badan in aynu ka soo amaahanno afaf qalaad. Waa in la ogaadaa ereyada badan iyo tacbiiraadka sarreeyaa qofka ay dareenkiisa ka buuxaan in uu aad uga maskax weyn yahay qofka kalmadaha kooban ku laalaabta. Ereyadu waa qalabka ay maskaxdu adeegsato marka ay fekerayso, sidaas awgeed waa in aadan ereyo aad taqaanid keliya ku laalaaban ee aad raadsatid meelaha afka hodannimadiisu ku kaydsan yahay sida maansada, waayo ma jiraan qaamuusyo waa weyn oo ereyada afka badankooda lagu koobay oo afkeennu waa barwaaqo aan gacanta ugu jirin ciddii dheefsan lahayd oo waa baylah. Waxaana habboon in aan maansada qoraalka laga dayn, waayo waa bakhaarka ugu weyn ee afkeenna. Sidoo kale dadku waa in aysan jeclaan waxa ay garanayaan keliya in ay akhriyaan ee ay barasho, dadaal iyo baadhid sameeyan si ay u ga baxaan cuqdadda ay fahanka afka ka qabaan oo aad u weyn.