W/Q: Maxamed Baashe
Goobtu waa Masagan. Xilliga kulaylaha ah, maalintu aad bay u dheer tahay, habeenkuna waa saacado kooban. Qorraxdu cirka dhankiisa galbeed bay u shidnayd sida toosh uu bateri cusubi ku jiro, sida gaashaan bayna u giraannayd ama u garangaraysnayd ama u gabbalaysnayd. Caad iyo daruur toonna cirka ku ma callaqnayn, calanka Soomaaliya ayuuna u calaamado dhowaa. Waxaa marmar la arkayey shinbiro raxanraxan ahaa oo samada heehaabayey, waxaana kolkol la maqlayey foodhi shinbirood. Bishu waa Meey oo waa badhtamihii kulaylaha, oo geedaha sare waxaa ku hilnaa caleemo iyo doog midabbo badnaa. Meel walba waxaa goglanaa caws aysan cidina cood daaqsan, dhirta qaarkeedba in buu dherer la ekaa oo qaar baa labaatan mitir ka dheeraa, qaarna waxa ay ahaayeen nagaar dhulka ku naban. Waxa ay geeduhu ka midaysnaayeen in ay qorraxda darteed cagaar wada huwadeen. Geed-hoosaadka ama nagaarka qaarkood waxa ay bixiyeen xay huruud iyo cawl ah oo ubaxu sida uu indhaha ugu roonaa hadiyad baa dad loogu geyn karey. Dhirta sare qaar baa midho bixiyey oo kaymaha waxaa dhex muurreeya dad midho gurta. Meeshii aysan guryo ka dhisnayn ama aan jid ahayni waa dhir xidh ah. Ardaaga ayaan darin fiican oo aan dareemayo ku fadhiyay. Niis aan guurin oo tabtii loo rogay u degan ayay gogoshu taallay. Hadhkii deyrka oo xooga aan fidin baan weli hoos joogay, waa mid aan awoodaysan oo weli kulkii qorraxdu ku lammaan yahay.
Koobkii aan fiiqdsaday baan aayar u dhigay. Waa koob dheeh leh oo mar walba la igala dardaarmo, aniguna kolka sii daayo ee dhulka u dhaw ayaan xusuustaa. Deganaan baan saldhigay, cabbaar baana sidaas ku sugnaa, waana jeclaysanayay. Fallaadhaha dhaadheer ee dhiska ka soo dusaya ayaa hortayda dherersanaa, mutulka dhinaciisa ayaan xigay. In aan dhakhso u kaco ayaan la qabsaday, balse maanta inaan xoogaa negaado baan jeclaystay. Fadhi wareegsan ayaan labada law isku soo duubay, horay baana u soo hinqaday, laba ruug ayaana cududaha ka shubay, si taxadar leh ayaana wax u eeg eegayay. Wakhtigu waa soconayaa, cadceedduna iyada oo dagaalsan inay dhexda u soo xamaaranayso ayaa ilayskeeda ka dareemayay. Inan walaashay ah baa guriga joogtay. Dumarka kale in aysan iigu iman ayaan rabay. Halkii baan ka kacay oo boodhka iska jafay oo kabahaygii day’dayey. Imminka ayaan joogsaday oo irridka u soo dhaqaaqay. Marka aan toos isugu beegay in aan holladay inaan lugta qaado ayaan isha ku dhuftay. Meel hortayda ah bay gababdhi mudh ka soo tiri, waa Guduudo. Masar cad ayaa madaxa ugu duuban, waxa ayna hagoogneyd garbosaar baluug ahayd oo darfaha uu daabac cadi kaga meegaarnaa. Garbosaarta dhinacyadeeda madaxa ka soo raaracey waxa ay saarnaayeen garbeheeda iyo cududaheeda. Caasheeda iyo dhuunteedu waa ay bannaanaayeen oo ilaa kalxamaha ayaa loo jeedey, waxaana surkeeda ka dhalaalaysey silsilad dahab ah oo uu afkeeda hoose ku qarsoonaa canbuur gabbalo cas lahaa, oo naasaha korkooda u joogey. Waa canbuur aan aad u gacmo dheerayn oo ay gacmihiisu joogeen dhudhumada badhtankooda, laakiin uu jooggiisu dheeraa oo uu ilaa canqawyada hoos u gaadhsiisnaa. marmar bay inta garbosaarta darafkeeda qabato surka ku asturaysey, isla markiibana garbosaartu dib bay garbaha ugu noqonaysey oo surku badanaaba waa uu bannaanaa. Socodkeeda islulka ah ayey aad ugu hanuunsanayd ee hugeeda iyo huwashadeeda ma ay haamineyn. Waxaa garabkeeda sudhnaa boorso caddayd. Boorsada iyo iyadu sida ay isugu midab ekaayeen darteed baan aad loogu jeedin shandadda. Dhabbo jiq iyo cuun ahayd, dhirtuna foodda isla gashay, wadiiqo yar oo cayo goglan tahay baa ka soo dhex baxda, waana isla meeshii aan markii dhawayd anigu ka soo baxay.
Geesahaan jaljalleecay oo ruqruqaansaday oo murugsatada midig ruxruxay hadalna raaciyey si Guduudo dhankayga u soo abaarto. Toos bay hadalkayga u maqlaysay. Waa ay gudubtay, waxa aana hubey in codkayga ka daba yeedhay uu dhegeheeda gaadhay, ma ay afcelin ee way isdhegooleeysay. Waan sakatiyay oo tallabaadii ayaa xitaa iga qumbacatay, balse in aan is celceliyo oo aan niyadsan ku dhaafo ayaan ku fekeray. Tani ku deysay ee wakhtiga ka faa’iidayso oo magaalada aad oo guriga dhaqso u tag oo dharka kugu hilan iska beddel, ka dibna maqaaxiyaha lagu caweeyo ka soo eeg jaallayaashii saaxiibbadaa iyo xertii aragtida ka dibna wada cabba, wada shaaha oo wada qosla ayaan niyadda iska lahaa, iyadana sida aan malayn karo waxa ay qalbiga iska lahayd iska lahayd “Ilaahay baa iga waday oo waa nefis iyo farxad haddii aysan nacasnimmo iga daba keenin”. Aniga guuldarray ii ahayd, iyadu se in guul joogtay baan u malaynayaa, kas iyo maanna sidaas u yeeshay. Waan ka joogi waayey Guduudo oo wixii dareenkayga iyo maskaxdayda saaqay awgeed oo ahayd shucuur aanan weligay galabtaas ka hor dareemin oo aanan magaceeda garanayn, laakiin ay soomaalidu “Jacayl” ku tilmaamaan, anigu se dood baan ka qabaa. Galabtaas la ima helin, Guduudana iguma cusbayn, gayaan aqaanno oo gaclooday bay ahayd, balse nasiibxumo aanan is calfan, weliba aanan calfan. Muddo waan kala durugsanayn, in aan la qabsaday oo tayo beeshay baana u aaneeyay, in kasta oo aan dib u caashaqi jiray marka aan arkaba. Iyada oo weli madaxbannaan kolka aan ogaadaba inaan nasiib wacanahay oo Guduudo ii darban tahay baa isugu sheekayn jiray. Haddaba galabtaas waa ka duwanayd xilliyadii hore. Dareen qoddodheer ayaa hal mar qalbiga iga abbaaray. In ay sidaas fudud ii dhaaftay ayaan ka ficilooday, haa ficil buu wixii i gaadhay. Guduudo inaan dhab u hantiyo ayaa igu dhalatay, kalgacal iga gaaxday baan dib u haaneeday, dedaal baana galay.
Saaxibbaday waan ka go’ay, noloshii kalana ka saahiday oo waxaan galab kasta u soo foofaa meeshii ay Guduudo maraysay, lahan baa igu labakacleeyay, markan inaan waayo ayaan ka cabsanayaq. Wax walba waan dayacay oo maalintii oo dhan iyada ayaan mashquul ku ahaa ilaa uu gabbalku dhaco. Hawlihii adduun ee la iga rabey meeshaas ayaan ku illaawey oo keligeed buu adduunkii oo dhammi ku soo koobmay. Konton iyo lix maalmood mar laga joogo galabtii uu jacaylku i haleelay ee ficilku i galay ayaan soo istaagey goob aroos ah, waa xaafad ku taal suuqa magaalada. Waan iska hor istaagey ee ma aan rabin in aan galo arooska, balse waxa ay indhahaygu ku dhaceen indhihii Guduudo oo aan cid kale igaga khaldami karin. Waxa uu ahaa dareen ka weyn waxyaalaha ay dadku dareemaan oo ay naftaydu u qaraxday si Eebbe mooyi ee Aadane uusan waxba ka garanayn. I aragtay, in ay i garatay keli ahina wuxuu dab holac ugu shiday caashaqii waayiddu fadqalallaysay. Barbaar caata badan oo soogsoogan baa aloolka ku tiirsanaa, kuwana kadibka ayay liqdaaran yihiin, aniga hir baa ii laacaya oo wax kale uma jeedo, dabadeed inta aan wax kasta illaawey baan sii jiidhay dadka albaabka tubnaa, waxa aan dhex galay dhallinyaro gacmaha is’haystey oo ciyaarayey, gacantii u horraysey oo aan qabtayna waxa ay ahayd midigta Guduudo, si kalsooni leh ayaan isu siiyay, indhaheeda debecsan oo naftu ku bugsoonayso ayaan eegayay. Indhahayagii isku dhacayna waxaa ka qarxay hillaac ka weyn wiriqa uu tuurtuurayey roobkii koonfur ka sii onkodayey. Midigta Guduudo iyo bidixdayda oo isqabsaday waxa ay la mid ahaayeen labo tog oo jannada Fardowsa ku yaal oo isku darmay. Intaan hayayna waxan u malaynayay in aan hoggaankii nolosha ka buuxsaday oo aashay u taxaashin karo.
Guduudo oo yeedhmadaydii hore dhegaha ka furaysatay markan aad bay u dareentay jacaylkayga, inaan garawsaday bayna iga fahan tahay, haa sidaas baan ahaa. Indhahayagii isku dhacay iyo istaabashaduba waa ay saameeyeen, laakiin sidayda oo kale wadnuhu aad u ma garaacmin. Anigu ciyaartii qoobkaciyaarka ahayd oo la buuqayey waan awoodi waayey sidii qof maliil ah oo aniga oo daandaan ah baan gadaal u degay oo dhiska salkiisa cabbaar ku nastay. Waxa aan se indhaha u jeedinayey meesha ay Guduudo ciyaarta kaga jirtey aniga oo aan muuqaalkeeda indhaha u dhammayn karin. Waxa ii guntanaa qayd cad, garbahana waxa aan ku sitey qayd kale oo cad, waxa aana illaawey ushii dhebiga ahayd oo aan ciyaarta ka hor aan meel ku tuuray. Guduudo lafteedu waxa ay garraarsanayd maro cad, timuhuna waa ay u tidcanaayeen. Firfircooni baan helay, dabadeed inta aan qun isu soo taagay ayaan Guduudo is xejiyay oo wada boodnay. Jaanta ayaan isla helnay, cududaha ayaan weedhaaminaynay, dhabarka iyo gaadada ayaana si siman mar ba dheesha wada goynaynay. Gugaas iyo sannado ka danbeeyey aad baan isu jeclaannay Guduudo. Ficilkii galabtaas i galayna iigama darin, waana u aayay. Habeen iyo maalin baan ka fekeri jirey Guduudo oo ii la muuqatey qof xumaan oo dhan ka dahiran sida malaa’igta kuwa ugu fiican, waa jacaylka awgii! Waxay ahayd gabadhii ugu horraysey oo aan ku guureeyey oo habeenno badan aan haasaawno, nasiibdarro labadeenna midna masuul ka ma ahayn meesha loo guurayo oo dadka waaweyni dan ka ma ay lahayn jacaylka labada qof, dabeecadda dadku waa in mar la derso, marna la ka la guuro oo reer kastaa waxa uu u guuraa meeshii uu dan bido.
Aroorti aan ka soo guurney magaaladii Guduudo na kulmisay ka dib cuntadii iyo cabbitaankii waa aan ka go’ay oo in aan jirra nahay bay dadku igu xukumeen.