Jiraal
WQ: Maxamed Hoobaan
Qofka reer SSC ma jiri karo la’aanta dawladnimada SSC . Waxa aan ka hadlayo ma aha neefsasho e waa jiraalka saxda ah. In dawladnimada SSC jirto waxa aannu ku bixinaynaa wax walba oo aannu karno. Waxa aannu u hibaynay kun curad iyo bilcaanba leh, kuwo cusub na waa u diyaar. In la waayo SSCnimo waxa ay nooga dhigan tahay dhammaadka adduunka, waxa aannuna ka xignaa in uusan adduunku keligayo naga dhammaan e Soomaalida ka wada dhammaado! Sidaas darteed, waxa aannu sokeeye iyo shisheeyaba kula talinaynaa in jiraalkoodu ku jiro waaritaanka qaddiyadda xalaasha ah ee SSC. Haddii la collaysto, waxa aannu la mid ahaanaynaa libaax dhashiisii lagu cayaaray, qaarna la laayey oo wanaag na ga iman maayo. Waxaannu se jecelnahay in Soomaalidu wada noolaato iskuna noolaato.
Si gaar ah waxa aan talo u siinayaa tolka Daarood ama Harti. Waxa aan leeyahay, walaalkaa adiga oo gacantiisa subkikara lama gooyo. Jiraalka SSC waa badbaadada dhul, dad, siyaasad iyo qabka Harti. Waa amniga Boosaaso, Garoowe, Caabudwaaq, Kismaayo iyo Bu’aale waayo tol waa tolane. Qofkii qaddiyadda SSC taageera waxa uu waxtaray boqol sano ka dib ilmaha SSC ee dhalandoona, ka la dirirana waxa uu laayey odayaashayadii hore ee besta u dhintay, wuuna noo godobaysan yahay si xun weliba! Ciddii intaas garanwayda miyirqab yeysan annagana naga sugin, qof aan miyirqabinna wax walba waa ka suure.