Maamulka SSC-khaatumo ayaa go’aan cad ka istaagay tallaabada hagardaamada ah ee PL ka waddo deegannada SSC, gaar ahaan dhanka sheegashada dhuleed.
PL ayaa dhawaan daahfuraysa koobka ciyaaraha degmooyinka, oo ay ku darsadeen qaybo ka mid ah dhulka uu ka arrimiyo maamulka SSC-khaatumo.
Maamulka SSC ayaa u gooddiyey cid kasta oo dhalinta deegaanka ah isla markaana ka qayb gasha koobkan iyaga oo wata magacyada deegannada maamulku ka taliyo in ay xadhig ku mutaysanayaan, laguna qaadi doono xeerkii horgolka.