Koobka degmooyinka SSC-Khaatumo oo ah mid xiiso leh waxa ka soo baxay natiijooyin lama filaan ah oo ay u horrayso inay koobka ka hadhay kooxda degmada caasimadda SSC ee Laascaanood oo la filayey inay noqonayso kooxda ugu awoodda badan. Waxa sidoo kale koobka ka soo dhex baxay in degmooyinku isu awood dhowyihiin marka la fiiriyo ciyaaraha oo barbar dhac u badnaa iyo goolasha la kala dhaliyey oo koobnaa oo aanay jirin hal ciyaar oo farqi 2 gool ka badan lagu kala badiyey.
Haddaba berri oo taariikhdu ku beegantahay 4-ta diseembar 2024 maalin arbaca ah waxa bilaabmaya afar-dhammaadka koobka degmooyinka SSC-Khaatumo oo ay isugu soo hadheen afarta xul-degmo ee kala ah Ceerigaabo, Buuhoodle, Taleex iyo Xuddun.
Degmada Ceerigaabo waxay ku soo gudubtey kaalinta koobaad waxayna heshay 8 dhibcood oo kala ah 2 ciyaarood oo ay guulaysatey halka ay 2 ciyaaroodna barbar dhac gashay. Degmada Buuhoodle waxay ku soo gudubtey 6 dhibcood oo kala ah 1 ciyaar ay badisay iyo 3 ciyaarood oo ay barbar dhac gashay. Degmada Taleex waxay ku soo gudubtey 4 dhibcood oo ay ku heshay 4 ciyaarood oo ay dhammaantood barbar dhac gashay. Halka Degmada Xuddun oo kaalinta afraad ee u dambaysa ku soo gudubtey ay heshay 3 dhibcood oo ku kala yimi 3 ciyaarood oo ay barbar dhac gashay halka ay hal ciyaarna guuldarro heshay.
Ciyaarta afar-dhammaadka ee berri dhacaysa waxay ku bilaabmaysaa labada degmo ee Ceerigaabo iyo Taleex halka maalinta xigta ay foodda is dari doonaan labada degmo ee Buuhoodle iyo Xuddun.
Labada kooxood ee la saadaalinayo inay ciyaarta kama dambaysta ah ee koobka lagu kala qaadayo isugu iman doonaan marka laga qiyaas qaato qaab-ciyaareedka ay soo bandhigeen iyo natiijooyinka ay heleen waa labada xul-degmo ee Ceerigaabo iyo Buuhoodle halka xulka degmada Ceerigaabo loo filayo inay noqonayso kooxda koobka ku guulaysan doonta. Balse waa kubbad oo mar walba saadaasheedu dhab ma noqoto waxana la arkaa natiijooyin lama filaan oo wax walba way dhici karaan.