Muddooyinkii u danbaysay waxa Ceerigaabo ka aloosnaa hardanka labada aragtiyood ee Goostada iyo ta midnima, iyada oo burburkii kadib aragtida Midnimada xiddigeedu jiifay oo talada magaaladu u afduubnayd jabhadda Goosatada ay ka mid ahaa kuwii libaystay burburkii dawladda dhexe. Hayeeshee, intaas dedaallo aan la dhayalsan karin baa jiray, dadka deegaankuna si cad ayay fikirkooda ku aadan u qeexayaan. Hase ahaatee, jabkii Goosatada ka soo gaadhay Nugaal ayaa ladh soo kiciyay oo bulshada midnimada jecel ee reer Ceerigaabo dib u gilgilay, weliba waxa dareenkaas kiciyay gardarrada ay Goosatadu weli ku fekerayso iyo in ay dadka magaalada ku dhaqan qaarkood shacab iyo ciidamo is garabsanaya u adeegsato, iyaga oo duullaankooda ku salaynaya in aysan magaalada cid kale ka arrimi karin, taas oo aan yaab badan lahayn, sababtoo ah waa garashadii xumayd ee ay ku qunbacdeen.
Saansaanta Muuqata:
26. 11. 2024kii Magaalada Ceerigaabo waxa ka dhacay xasuuq aan loo meel dayin oobeesha Soomaalillaan oo shacab hubaysan iyo ciidan wada ah u geysteen maato fara madhan oo guryahooda iyo goobahooda ganacsiga jooga.
Waxa loo adeegsaday gawaadhida gaashaman ayay dadka ku laynayeen, baabuurta tikniko saaran tahay ayayna si dadnimada ka baxsan shacabka maatada ugu adeegsadeen. Toogasho toos ah iyo beegsi qabiilaysan ayayna magaalada ka fuliyeen. Waxan jiray dad meesha ku dhaawacmay oo cusbitaalka loo qaaday beesha Soomaalillaanna diiday in ay dadka halkaas lagu dabiibo. Intaas oo gaboodfal isagu jira ayay degmada ka sameeyeen, waxayna u muuqdaan in uusan maamulka Hargeysa waxba ka korodhsan wixii uu guuldarro soo maray ee ay raadkoodii qoyan yahay, isaga oo doonaya in uu taladiisa qabiil iyo maamulkiisa kaga arrimo dhul aysan reerkoodu lahayn, iyo weliba aragtida dhaxalkii gumaysiga ka timi ee uu wato.
30. 11. 2024 Maamulka Hargeysa waxa uu ku soo rogay bandaw, isusocodka nolosha iyo dadka ayayna xayiraad saareeen. Baabuur tikniko iyo ciidamo maryacalas ah oo hubaysan ayay magaalada ku soo gurayaan, iyaga oo mar kasta si badheedh ah ugu xad gudba daamaha kale aysan beesha Hargeysa.
Falalka noocan ahi waa kuwa soo dedejinayo colaad aysan Goosatadu mahadin doonin oo ay ku gubtaan, isla markana degmada ka abuurta xasillooni la’aan ay cidna u wacnayn, balse laga baaqsan karo haddii uu maamulka Hargeysan garwaaqsan waxa uu wado. Runtii waxay u muuqataa in aysan ka waayo arkin caqliga jaan iyo talada qalloocan ee shaydaanku balagga u sudhay. Dhawaan ayayna ahayd markii ay kooxda fallaagada ah ee magaalada Qorligud gudaheeda joogta doonaysa inay halkaas colaad ka huriso, iyaga oo qabiillo kale ugu habarwacanaya si ay nabadda gobolka Togdheer u fadqalaleeyaan.
Nabadda Ceerigaabo: Run mise Been?
Nabadda Ceerigaabo awalka horaba waxay ahayd mid caabuq ah oo aan daacad laga ahayn, weliba waxay ahayd mid ay beesha Goosatadu u adeegsato baaq goodin iyo hanjabaad ah, sidaas awgeed waxa dhab ah in aysan nabad rasmi ah horay u jirin, haddana aysan ahayn mid la wada guddoonsaday.
Ceerigaabo, waxa ay dhibane u tahay qooqa iyo kibirka beesha Hargeysa oo han aysan lahayn is mihiibsiisay, isla markaana aan la hurayn in lala guddoonsado waxay waddo. Degmaduna kuma khasbana in ay aragtida Goostada u go’doonto. Reer walbana waxa deeqa fikirka iyo talada ay dadkiisu ogol yihiin, goosataduna ma ahaanayso midda Ceerigaabo u arrimin doonta.
Farriinta Bulshada:
Bulshada reer SSC ee degta gobolka Sanaag waxa la gudboon in ay midnimada xoojiyaan, talo loo dhan yahayna yeeshaa, karti iyo dedaal kaga qayb qaataan waxkaqabashada gobalka, taas oo hadda meel wacan marayso. Dhawaanna waxay u bogaan ayay arki doonaan. Guushuna kaabigay ku soo haysaa.