Waxaa jirtay waraaq ay WFP la wadaagtay Puntland kuna socota xafiiska Madaxwayne ku xigeenka Puntland. Taas oo cinwaankeedu yahay “Joojinta Hawlaha WFP ee SSC-Khaatumo“. hoos ka eeg turjumaadda waraaqda si aad u fahanto waxa ay ku saabsantahay.
Tixraac: Ref/WFP/SOM/CD/156/202
Taariikh: Nofeembar 28, 2024
Ku: Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland
Garowe
Mudane Madaxweyne Ku-xigeen,
Mowduuc: Joojinta Hawlaha WFP ee SSC-Khaatumo
WFP waxay haatan taageero siisaa 51,930 qof (8,655 qoys) oo ku nool SSC-Khaatumo (SSC-K) iyada oo loo marayo barnaamijyo gargaar oo kala duwan, oo ay ku jiraan barnaamij dib-u-kabasho oo ka socda degmooyinka Buuhoodle, Laascaanood, iyo Taleex. Sidoo kale, WFP waxay bixisaa taageero nafaqo oo lagu talagalay carruurta nafaqo-darrada qaba iyo haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinaya, iyada oo ay hirgeliyaan hay’ado maxalli ah oo kala shaqeeya WFP arimahaas, lagana hago xafiiska WFP ee Garowe. WFP waxay sii waddaa in ay bixiso gargaar iyadoo la raacayo mabaadi’da bani’aadannimada, isla markaana isku dayaysa in ay iskaashi la samayso hay’adaha maxalliga ah si loo fududeeyo hawlaha fulinta. WFP waxa ay SSC-K kala shaqysaa saddex hay’adood oo NGO ah: GHADO iyo NRC oo fulinaya hawlaha gargaarka, iyo ALIGHT oo hirgalisa barnaamijyada nafaqada.
24-ka Nofeembar 2024, mid ka mid ah hay’adaha la shaqeeya WFP ayaa soo sheegtay in 45 tan oo raashin ah, oo loogu talagalay in loo qaybiyo dadka gargaarka u baahan ee degmada Buuhoodle, la dhacay. 27-ka Nofeembar, 50 tan oo kale ayaa la dhacay isla degmadaas, taas oo wadarta guud ka dhigaysa 95 tan oo la dhacay. Dhacdooyinkan waxay ka dambeeyeen dhowr maalmood oo ay WFP isku dayaysay in ay la xiriirto mas’uuliyiinta maxalliga ah si ay u hubiyaan in si nabad ah oo hufan loo dejiyo oo loo qaybiyo raashinka WFP.
Dhibaatooyinkan isdaba-joogga ah dartood, WFP waxay go’aansatay in ay si ku-meelgaar ah u hakiso dhammaan hawlgalada SSC-Khaatumo ilaa laga helo jawi ku habboon oo fududeynaya gaarsiinta gargaarka iyadoo la raacayo mabaadi’da bani’aadannimada. Go’aanka dib u bilowga hawlaha waxa WFP go’aamin doontaa kadib wadatashi lala yeesho dhinacyada ay khusayso.
Waxaan jeclahay inaan uga faa’iidaysto fursaddan in aan uga mahadceliyo talooyinkaaga joogtada ah iyo taageerada aad siiso sidii loo abuuri lahaa jawi u fududeynaya WFP in ay si buuxda u shaqeyso oo u gaarsiiso adeegyada ay bulshada u qabato.
Ixtiraam iyo Salaan,
El-Khidir Daloum
Agaasimaha Guud iyo Wakiilka WFP Soomaaliya