Buuhoodle laga soo bilaabo lixdamaadkii dawladdii rayidka ahayd illaa maanta oo carriga laga hirgeliyey maamul goboleed gaar ah oo dadka deeganku leeyihiin talada dawladnimada magaaladu waxa ay u afduuban tahay odoyaal gafanayaal ah oo xoolaha dadwaynaha ku keliyaystay, dhaqankii xumaa ee “foofoo soo hoyana” iyaga ayaa hindisihiisa lahaa.
Waa duqaydii uu ka cabanayay soddomeeyo sano ka hor gabyaa Cumar Cigaal markii uu lahaa
“Odoyaal wax jaajuusayoo jilif leh mooyaane
Dhalinyaro wax soo jeedisiyo malaha joornaal!”.
Hadda ogow oo, meesha uu sidaa uga dayrinayey Cumar waa Buuhoodle “shalay maanta u ekaa!”.
Tebista dawrkii Dhalinta
Sida muuqata Buuhoodle- oo muddadanba madaxweyne Firdhiye joogay- dhalinteedu iyaga oo isku dhan weli madaxweynaha ma aysan hor fadhiisan lamana ay xisaabtamin, midnimo iyo wadajirna lagama arag.
Waxa aad mooddaa in dhalinta Buuhoodle ay noqdeen uurjiif ku gawracan odayga cimaamadda u sida. Waana la hubaa in welwelka uu dadka iyo deegaanka wiilka dhalinyarada ahi ka qabo in uu san duqu ka qabin. Jifiyaha hoose ee dhalinta aqoonyahanka ah ee reer Buuhoodle ku abtirsadaan haddii ay ka doorbidaan midnimada guud ee tolka iyo ilaalinta maamulkii aynu u naf baxnay weli lama dhawa, Buuhoodlena ciriqeedu bixi maayo!
Baaqa Dhalinta
Waxaana ugu baaqayaa guud ahaan dhalinta reer SSC, gaar ahaanna dhalinta reer Buuhoodle in ay midnimada magaalada dawrkooda ka qaataan, oo dawlanimada iyo MAAMULKA ay ka doorbidaan xayndaabka jifiyaha iyo iyo u-qoolxidhnaanta cimaamadleyda iyo duqayda.
Waa in la helaa dhalinyaro hadasha oo talada magaalada aan cidna ereg ugu dhiiban, Buuhoodle mid ahna gole keenta.
Waana la hubaa haddii dhalinyaro midaysan Buuhoodle laga helo, in talo urursanna laga helayo.
Allahayow sidii roon
DHAMMAAD