Cirro waxba kama beddeli doono colaadda SSC-khaatumo iyo Somaliland.
Cirro ayaa Muuse baddelay, Muusena Siilaanyuu tare xigay, halka Siilaanyona uu Riyaale iyo Cigaal uga dambeeyay. Intani waa sooyaalkii xilka madaxtinomo ee Somaliland. Cirro maxaa laga filanayaa? Jawaabta waan u soo noqonaynaa balse raggii ka horreeyay waxay ka sinnaayeen in SSC-khaatumo xoog iyo colaad taladooda iyo dhulkoodaba lagu qaato. Taasina waxay ka imaanaysaa waa aragtida ay ku dhisan tahay Somaliland oo ka kooban labo lakab oo aan midna u cuntamayn SSC-khaatumo. Lakabka sare waa arragtida gooni isutaagga oo ay xad u tahay Garoowe. Arrintani waa mid bulshadi SSC-Khaatumo ay dagaal ka xigto. Lakabka labaad waa qabiilka, waa halkay Soomaalidu u jabtay. Somaliland kama baxsana meertada falsafadda nololeed ee Soomaalida, qabiilku wuxuu ugu jiraa kaalinta uga sarreysa, kamana galgalan karto, taasoo ah in nidaamkani uu yahay mid ay beeli leedahay. Sidaa si la mid ah bulshada SSC-khaatumo qabiil ahaan ma ogola in qabiil kale u dawladeeyo. Mana aha wax u gaar ah ee waa mid ay la qabaan bahwaynta Soomaaliyeed.
Somaliland waa midhihii ka dhashay SNM oo ahayd jabahad dagaal kula jirtay taliskii kacaanka Soomaaliya. Saasoo ay tahay jabhaddaasi ma aysan gafin in ay collaysato bulshada SSC-khaatumo. Markii ay maamul noqotayna halkii ayey ka sii wadday colaadii. maamulkaasi waxa uu geystay gabboodfallo badan oo isugu jira xasuuq, barakicin, xadhig, cabbudhin, dilala qorsheysan, kala qaybin iyo sumcad dil ay ka faafin jireen deegaanka iyagoo iib gayn jiray in manddiqaddani tahay xerodhiig, guri argagaxiso iyo meel ay ku noolyihiin dad aan nabad iyo nolol midna ehel u ahayn.
Xaalka noocaas waxaa beddelay wacyi iyo waa’ cusub. Waana mid laga dheehan karo maamulka SSC-khaatumo oo ah muraayadda laga arakayo waayaha bulshadan. Asal ahaan maamulka khaatumo sababaha loo yagleelay waxaa ugu wayn in uu bulshada ka badbaadiyo duullaanka cadaawadeed ee Somaliland sida oo kalena uu badbaadiyo aragtida, jirtaanka dad iyo dhul ahaaneed ee bulshada. haddaba soddonkii sano ee qaran jabka Soomaaliya, marna isma beddelin fikradda bulshada SSC-Khaatumo iyo ta Somaliland. Mawalba waxaa taagnaa is mariwaa, uu gacan ka hadalku dheeryahay. Labada aragtiyood way kala kacaan iyo abaabul horreeyeen maantase waxay kala taagan yihiin labo daraf khilaafka iyo kala duwanaashuhuna wuxuu marayaa meeshii ugu sarreysay. Sidaa dareedeed ammintan is beddel ma jiro hase ahaa tee labadii aragti ayaa xoogaystay oo barbar dhac noqday.
Isbeddelka xukun ee ka dhacay Hargeysa, waxba kama bedellayo unugga collaadda. Somaliland haddii nin Samaroon ah, Isaaq ah, ama Madhibaan ah uu taladeeda qabto, isirka asal madoorshaha ah ee aan doorsoomayn waa colaadda u dhaxaysa iyada iyo SSC-khaatumo. Waa mid salka ku haysa kala duwaansho fikir iyo qabiil. Ma jirto wax u dhaxeeya dagaal buuxa iyo nabad buuxda oo labadan dhinac dhex marikara.
Nabaddu dhanka Somaliland ayaysan ka suuroobayn. Sababtuna waa aragtideeda oo ku dhisan isballaadhin iyo gaadhidda dhul aysan lahayn, waxana dhalisay inay qaadato go’aan ah in talada iyo dhulka SSC-khaatumo khasab lagaga dhigo inay qaataan Somaliland. Qofka xil maamulkaa ka qabatana waxaa qasab ku ah inuu taa raaco. Haddii uu raaci waayana waxay dhigeen khiyaano qaran.
Dagaalkii Goojacadde ka dib, odayaasha Dhulbahante iyo Isaaq in badan ayey ka wada hadleen nabadda labada beelood. Caqabadihii hor istaagay in nabaddaasi meel marto waxaa ka mid ahaa, odayaasha Isaaq oo sheegay haddii ay nabadda qaataan inay ka dhigan tahay inay ka tanaasuleen xadka iyo qaranimada Somaliland, bulshadooda iyo maamulkooduna aysan taa aqbalahayn. Qodabkani markasta waxuu ahaanayaa caqabadda taagan inta fikrika Somaliland jiro, waana ta hor istaagaysaa in wax nabad la yidhaahdaa ay ka dhex tolonto Somaliland iyo SSC-khaatumo. Waa tiirka ugu weyn ee collaaddan dhexroorka u ah.
Cirro intii uusan madaxwene noqon kama aragti duwananayn madaxdi ka horreysay ee gaboodfallada ka gaystay SSC-khaatumo. Imikana waxuu ka shaqaynayaa sidii uu halkeeda uga sii wadi lahaa colaadda. Dagaalka cirro waxa uu ka bilaamayaa xulashada Horgallada kasoo jeeda SSC-khaatumo ee uu u magacaabi doono xilalaka wasaaradaha maamulkiisa. In qof Harti ah xilka Somaliland loo magacaabo waa astaan colaadeed. Waa marka koowaade waxay la macne tahay in Somaliland aysan aqoonsanayn aayo katashiga iyo maamulka SSC-Khaatumo, marka labaadna waxa uu ka shaqaynayaa sidii uu talada maamulkaas uga hirgalin lahaa SSC-Khaatumo. Horgalladu waa ma liibaane ay Somaliland ku liibaantay. Waxay isugu jiraan qaybaha kala duwan ee bulshada siyaasiyiin iyo askar. Maalinta uu magacaabo waxay ka dhigan tahay inuu magacaabay safiirrada cusub ee sii holcin doona ambaqaadkii dagaalkii Somaliland lagaga adkaaday. Horgalka cusub waxa uu ka dhigan yahay dhiig cusub oo lagu shubay dagaalka SSC-khaatumo iyo Somaliland u dhaxeeya. Marka la magacaabo buslahada iyo maamulka SSC-khaatumo waa in ay isu diyaariyaan wajiga labaad ee colaadda.
Waxaa jira farriimo nabadeed iyo hadallo wanaagsan oo aan dhab ahaan waaqaca uga jirin oo ay dad badan oo labada dhinac ah afka ka leeyihiin. Waase been go’ lagu dedey, xalna keeni mayso inta maamulka Hargeysa uu Horgal magacaabayo aragti ahaanna ay Garoowe xad u tahay. Maxaa xal ah? Xalku waa in dhab nabadda looga runsheego, waa in labada dhinacba ku ekaadaan dhulkooda, waana in Somaliland ay aragti ahaan ka taansushaa in dhulka SSC-khaatumo ay dhaxal gumayste u heleen. Haddii tan dambe Somaliland laga waayo, colaadi waa halkeedii. Dhanka SCC-khaatumo maamul iyo bulsho waxaa la gudboon in aysan jirin waddo la furo, maxaabiis la is waydaarsado iyo wadashaqayn labada maamul ah. SSC-khaatumo waxay u taagan tahay in ay la dagaallanto aragtida duulaanka ku ah bulshadeeda iyo dhulkeeda.
WQ: CISMAAN BIIXI.