Wasiir Juxa oo ka tirsan golaha wasiirrada Puntland ayaa ka jawaabay su’aal lagu weydiiyay golaha baarlamaanka oo ku saabsan arrinta Khaatumo. Wasiirka ayaa ku tilmaamay Khaatumo inay tahay baradho kulul “hot potatoes”. Muxuu uga jeeda jawaabtas?!!
Ereyga “hot potatoes” waa eray bixin Ingiriisi ah oo loo isticmaalo xaalad adag ama mid muran badan oo dadku aysan rabin inay si toos ah ula tacaalaan, sababtoo ah waxay keeni kartaa dhibaato ama saameyn siyaasadeed oo xun.
Tilaamta Wasiir Juxa uu ku tilmaamay Khaatumo inay tahay “hot potatoes,” waxay u muuqataa inuu ula jeedo arrinta Khaatumo inay tahay mowduuc muran badan oo xasaasi ah, taasoo laga yaabo inay adagtahay in si fudud xal loogu helo ama looga hadlo iyada oo aan dhibaato siyaasadeed ka dhalan. Waxaa kale oo macquul ah inuu ka cararayo mas’uuliyad ama qaadashada go’aan ku saabsan mowduucaas, maadaama ay tahay arrin adag oo halis leh. wixi gef ku ah Khaatumo na ay jiraan daris markiiba kasoo jawaabaya.
Hadalkan wuxuu muujinayaa in Wasiirku uu arrinta Khaatumo u arko mid siyaasiyan culays leh oo dadka aysan si fudud u maareyn karin.