Marxuum Maxamed Siyaad Barre |
Garoon diyaaradeed ayaan kula kulmay oday Soomaali ah. Adeer kumaad ahayd ayuu yiri? Magacayga oo sadaxan ayaan usheegay. Oo maxaad qabataa ayuu ii raaciyey? Somalitalk ayaan Tifaftire ka’ahay baan ugu jawaabay. Oo Somalitalk maxaa laga wadaa? Adeer waa meel Internet-ka ah oo sida Jornaalladii u shaqeeya. Oo internet-na waa maxay? Xoogaa ayaan u sharxay waxa uu qabto. Kolley waa wax iga danbeeyey ayuu iigu jawabay isagoo yaaban. Waayahayee bal xaalladii Soomaalida iiga waran ayuu i yiri. Adeer aan kuu waramee adigu kumaad tahay ayaan ku iri? Oo imaba taqaanid miyaa ayuu iigu jawabay isagoo indhaha igu fiirinaya. Markasuu sii raaciyey Maxamed Siyaad Barre ayaa magacayga la dhaha. Dalkaad sheegayso ayaan Madaxweyne u ahaa.
Salaan qurxan ayaan utaagay, wuu iga qaaday salaantii. Adeer firaaqo mahayee wadankii iiga waran ayuu iyiri. Madaxweyne meel aan kaaga bilaabo ma’aqaano, laakiin aan kuu guud maro ayaan iri. Oday baan ahayoo anaa warka fahmi doonee adigu ii waran ayuu iyiri. Oo waxaad xoogga saarta wixii ugu muhimsanaa intaan Soomaaliya ka maqnaa.
Kolkaasaan hadalkii ka bilaabay sidan. Jaalle Madaxweyne intaanba wey kaa danbeysay.
- Magacii Soomaaliya ee aad sharafta ku ogayd waa lumay. Basaboorkiina wuxuu noqday wax aan la aqoonsanayn. Raggii dalka kula hayey oo dhanna qaxooti ayey dunida ku yihiin, waxba gacan kuma hayaan, dalkana waxba umahayaan.
- Dalalkii na ixtiraami jiray waagaad Madaxweynaha u ahayd, hadda iyagii ayaa nayasa oo nooguba daran. Intii aad wax tartay ayaa dhibka ugu badan Soomaali ka soo gaaraa.
- Melas Zinaawi iyo Jabhaddiisii aad Xamar ku haysay iyagii ayaa Soomaali Dowlad u diiday oo halkaan dhigay. Waliba dalkoo dhan iskadaayee gobolkaad ka soo jeeday ayuu dhibta ugu badan gaarsiiyey. Kuuma abaal gudinee waa uu kaa aarsaday sidii adoo xumeeyey.
- Waqooyigii Soomaaliya wuxuu yiri waanu go’nay oo dowlad gooni ah ayaan nahay, haddeerna waxaa socda qorshe ay wadaan dhawr dowladood oo u ololeynaya in la aqoonsado kala goynta Soomaaliya.
- Madaxtooyadii aad ka daganayd Xamar waxay hadda kamid tahay Isbaarooyinka yaala Muqdisho ee aananba ku jirin ilaa iyo hadda Isbaarooyinka la yiri waa laqaaday, wiilal yar yar oo aan aqoonin qiimaheedii ayaa haysta.
- Xamar waxaa iney ka taliyaan sheegta dagaal-oogeyaal aadan badankood horay u umaqal. Waxay isu haystaan iney Soomaaliya dowlad ugu maqanyihin, laakiin khilaafka iyaga u dhaxeeya ayaan waxba qaban doonin.
- C/Qaasim Salaad Xasan oo kamid ahaa Wasiiradii aadka kuugu dhawaa ayaa mar loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya 4.Sano ayuu sharaftaas huwanaa, waxayna ka dhamaatay isagoon dawladnimo iyo dagaal sokeeye midna soo kordhin. Waxyaabihii lagu eedeeyeyna waxaa kamid ahaa inuu adiga kula shaqeeyey, taasoo uu isaguna ku faano.
- C/Laahi Yuusuf oo aad sifiican u taqaan ayaa hadda huwan magacii Madaxweynaha Soomaaliya. Kaaga sheekeyn maayo C/Laahi oo adiga ayaa iga yaqaan. Waxaad isku layseen war hadaad Madaxweyne dooneyso Itoobiya garab haka dhiganin. Waxaanse maanta kuu sheegayaa isagoo Madaxweyne ah ayuu wali Itoobiya garab ka rabaa. Malaha wuxuu u qabaa inaad wali Madaxweyne tahay oo aad ka adagtahay.
- Xamartii aad jeclayd ee aad noloshoo dhan isugu keentay waxay maanta caqabad ku tahay in Soomaaliya dowlad yeelato. Dagaal-ooge aan dal u naxayn ayaa xukuma. Halkii ay adiga kuu ahayd Caasimad aad ku faanto, iyaga waxay u tahay warqad ay ku gorgortamaan.
- M.Faarax Caydiid waa uu dhintay. Wiil uu dhalay ayaa booskiisii galay. Laakiin waa mid ka aqoonyar wiilashaadii aad ifka uga tagtay, waayo iyagu dalkayba joogeen xilalna ka hayeen, isaguse dalka waa kamaqnaa, shisheeyana xilbuu u hayey, jidkii aabihiisna waa khilaafay.
- M. Ibraahim Cigaal isna waa dhintay, wuxuuse Madaxweyne ka noqday Waqooyi galbeed oo loo bixiyey Jamhuuriyadda Soomaaliland. Waxayse ku amaanan tahay nadaam iyo kala danbeyn. Hadana waxaa xilkaas haya Daahir Riyaale Kaahin.
- Waxaad ogayd Itoobiya oo aad ka’adkaatay oo aad meel cad uga soo hartay, wax lasoo maraba Barlamaankii iyo dowladdii Soomaalida ee haddeer jirta waxay ka doodayaan Itoobiya dalka oo dhan ma u gacan-galinaa mise? Hadaad doodaas joogi lahayd murugo intee le’eg ayaa ku qaban lahayd?
- Qoladii aad Wadaad-xume u bixisay waxay maanta kamid yihiin awoodaha dalka ka jira, ganacsiga ugu badan iyagaa leh, dhaqan-ahaanna dadkii iyaga ayuuba raacay, oo ilaa baadiyihii ayey saameeyeen.
- Warka yaanan kugu badinee intaasba wey kaa danbeeysay waana lagu tabay. Yaanan kaa ilawinee hadaad maanta joogi-lahayd si khasab ah ayey dadweynuhu u codsan-lahaayeen inaad Madaxweyne u noqotid, illeen wax adiga ku dhaama iney arkaan iskadaayee, cid kaa danbeysaba ma’aysan arag.
- Caruurtaadii mid Siyaasaddan xun dhexgalay kuma jiro, banaanka ayey kamareen. Tolow ma’adigaa kula dardaarmay sidaas?
16. Dhawrsano adoo maqan ayuu Abshir Bacadlihii gabayaga kugu dhibi jiray intuu wax ku dhaama waayey ayuu ku cabaaday. Duqii doona ducana ugu dara waad na dubateene. Waagaas dubasho ayey joogtayee hada dalkii oo duban ayaa dibada loo beec-geynayaa, laguna wareejinaya dalkii dariska nala’ahaa.
Madaxweyne waxbadan oo aadan ku farxayn hadaan kuu shegay aniga eedda malihi ee dalkaadii ayaa adiga kadib sidaas noqday.
Intaan warka u waday mar wuu fajacayey. Marna wuu ilmaynayey. Mar dhulka ayuu eegayey kolkaasuu yiri: Adeerow wargal baad tahay, wax badan oo aanan filayanna waad iisheegtay, bal aan kuu waramo anigana, oon kaaga sheekeeyo sidii dalku ahaan jiray waagii aan anigu ka talinayey iyo siduu hadda xaalka iila muuqdo.
Intaas oo dhan dhab uma dhicin ee waa qayb kamid ah riyo layaab leh.
Waa inoo asbuuca danbe iyo jawaabtii Madaxweynaha.
Waa qoraal uu Fahad Yaasiin ku Baahiyay Somalitalk