Fanaanka ku caan baxay Sharma Boy ee la yiraahdo Sharmaarke Cabdinaasir Maxamed ayaa markii ugu horreysay ka hadlay sababta ka dambeysa in uu dib ugu soo noqdo fanka iyo heesaha. Sharma ayaa horraantii sanadkan shaaciyay in uu isaga baxay fanka kaddib markii uu u guuray dalka Mareykanka oo uu magangalyo qaxootinimo ka raadinayo.
Waxa uu xilligaas ku tilmaamay in go’aanka uu uga baxay fanka uu yahay ‘kii ugu wanaagsanaa ee uu gaaro noloshiisa’. Sharma Boy ayaa dhowr hees oo cusub soo saaray intii uu joogay Mareykanka, iyada oo ay ugu dambeysay heesta ‘Waxba iga ma gelin’ ee toddobaadkii hore soo baxday.
‘Nolosha Cusub ee Mareykanka iyo halka loo wada socdo’
Fanaan Sharma Boy ayaa ku tilmaamay in Mareykanka yahay halka ay Soomaalida oo dhan u soo wada socoto oo ay isugu imaan doonaan, isaga oo tusaale u soo qaadanayay fanaan iyo Soomaali kale oo badan oo ku sii qulqulaya Mareykanka. Dadkaas ayaa ka tahriibaya Soomaaliya iyo dalal kale oo Afrika, iyo xitaa Yurub, iyaga oo galaya safar dheer oo halis badan, oo ay isaga kala gudbayaan qaarado iyo dalal dhowr ah. Fanaaniinta iyo shaqsiyaadka kale ee safarkaas maray ee Mareykanka galay iyaga oo ka boodaya darbi weyn oo ku yaal xadka dalka Mexico uu la leeyahay Mareykanka waxaa ka mid ah fanaanada Malyuun Maanka, oo sidoo kale ah xaaska Sharma Boy, Bashiir Jaawi, Nuur Caraale iyo Yuu Beezaani.
Laakiin Sharma Boy oo ka sheegtay la-qabsiga Mareykanka iyo dhadhan la’aanta cuntada dalkaas ayaa sheegay in ay shaqada soo-saarista heesaha ay adag tahay gudaha Mareykanka marka la barbardhigo Soomaaliya.
‘’Maraarka qaar wax ay heestu igu qaadataa inaan soo saaro mudo ku siman lix bil, waayo waxaan ka imid wadan ay ku nool yihiin dad aad u yar marka loo fiiriyo kan aan iminka joogo. Laakiin waa dad yar oo la heli karo marwalba si aad muuqaal u duubtid,”ayuu yidhi Sharma Boy. Arrinkaas ayuu u sababeeyay Sharma Boy sababta ay hoos ugu dhacday heesaha muuqaalka ah ee uu soo saari jiray. Hadda, isaga ayaa qeyb ka noqday dadkaas mashquulka ee orodka ku jira maalinkii oo dhan, isaga oo ku mashquulsan siddii uu dowladda Mareykanka uga heli lahaa in kiiskiisa ay aqbasho, iyo in uu sharci helo.
Waxyaabaha ka yaabiyay inta uu Mareykanka joogay ayuu ku sheegay dhadhan la’aanta cuntada Mareykanka oo gaarsiisay in uu isaga shakiyo in uu qabo COVID19, iyo dhar aad maalmo xirneed in aad dib ugu celin kartid dukaankii aad kasoo iibsatay. Waxa sidoo kale yaabgeliyay kaniiniga qoroxda loo qaato ee la iibiyo, isaga oo sheegay in mar ba mid cusub lagu tijaabiyo.