4 Maajo 2024
Baraha Bulshada ee Soomaalida waxaa afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay hadal hayn weyn abuuray, waxaa uu yahay haraadiga walax qaraxay oo lagu arkay deegaano ka tirsan gobolka Sool ee SSC-Khaatumo.
Sida uu BBC-da u xaqiijiyey Xoghayaha Warfaafinta Isgaarsinta iyo Teknoolajiyada ee SSC-Khaatumo Daahir Cabdirisaaq Axmed, in waxa ku dhacay miyiga deegaanka Kalcad oo u dhaxaysa degamada Taleex iyo Godaale uu yahay gantaal habow ah.
Laakiin BBC-du si madaxbannaan uma xaqiijin karto in waxaa deegaankaas ku dhacay yahay gantaal iyo in kale.
Wuxuu sheegay in dadka deegaanku u sheegeen Maamulka in xilli hore oo ooga waaberi ah ay maqleen guuxa waxa dulmaraya basle ay aamineen inuu ahaa diyaarad.
“Waxay sheegeen inay xilli barqadii ah tageen goobtu uu gantaalku ku dhacay oo kaliya uu yaalo haraadigii iyo danbas balse waxaa muuqata inuusan dhulka wax badan hoos u jarin marka laga wax yar oo afka hore la galay,”ayuu yiri Daahir.
BBC- da oo waydiisay waxaa ay ku xaqiijinayan in burburkan uu yahay diyaarad na duuliye lahayn iyo gantaal ayuu xoghaye Daahir, sheegay in haya’addaha ammaanka iyo saaraakiisha tagay goobta ay xaqiijiyeen uu ahaa gantaal.
Daahir, wuxuu sheegay in dadka deegaanka ay rumaysan yihiin inuu ka soo dhacay dhanka jihada bari ee kaga beegan badda cas balse aysan SSC-Khaatumo aysan si rasmi ah u xaqiijin karin halka uu ka yimid iyo cida soo riday toona.
“Waxaa deegaanka gaaray saraakiil ka tirsan haya’addaha ammaanka, waxayna soo aruuriyeen haraadiga gantaalka, waxaana la keenayaa Laascaanood si baaritaan dheerada loogu sameeyo, markaas ayaan heli doonaa faahfaafin intaas ka badan” ayuu BBCda u sheegay xoghayaha warfafinta ee Khaatumo.