Markii aan waydiiayay a gaasimaha musasalka Kuuriyaanka ah ee Squid Game war ku saabsan in uu aad u jahwareeray intii filinka la duubayay uuna lumiyay ilaa lix ilig, si dhaqsi ah ayuu ii saxay. “Sideed ilaa sagaal ayaa iga dhacday,” ayuu yiri isaga oo qoslaya.
Hwang Dong-hyuk ayaa ila hadlayay xilli uu joogay meel uu ku duubayay qaybta labaad ee musasalkiisa xiisaha badan ee laga sii daayo Netflix, kaas oo ay ku jiraan boqolaal tartame oo qaameysan kuwaas oo u dagaalamaya in ay qiimo lacageed ku guuleystaan kadib marka ay ka qayb qaataan ciyaar caruureed nolo iyo geeri ah.
Balse in uu sameeyo qayb labaad ma ahayn wax qorshahaba ku jiray. Mar waxaaba jirtay uu ku dhaartay in uusan mardambe sameyn doonin. .
Iyada oo la fiirinayo jahwareerka ay ku riday ayaa waydiiyay waxa maskaxdiisa iska badalay.
“Lacag” ayuu ku jawaabay, isaga oo aan ka labalabayn.
“In kasta oo qaybtii koobaad ay adduunka oo dhan caan ka noqotay, lacag sidaas u badan kama samayn hadaan kuu daacad waramo,” ayuu igu yiri. “Marka samaynta midkaan labaad magdhaw ayay ii noqoneysaa.”
“Walina sheekada sidaas ku dhamaan meyso,” ayuu raaciyay.
Taxanihiisii ugu horreeyay wuxuu ahaa bandhigga ugu guulaha badnaa ee Netflix ilaa maanta, isagoo ilayska ku shiday Kuuriyada Koonfureed iyo madadaaladeeda laga sii daayo telefishinka. Sida uu wax uga tilmaamay sinnaan la’aanta hantida waxay taabatay dareenka daawadayaasha adduunka oo dhan.
Laakin maadaama uu dilay inta badan shaqsiyadihii filinka lagu jilayay, Hwang waxa uu ku qasbanaaday in uu eber ka soo bilaabo, lana yimaado jilaayaal cusub iyo ciyaaro cusub. Daawadayaasha ayaa aad ugu hanwayn qaybta labaad ee musasalka.
“Jahwareerka aan hadda dareemaayo ayaa aad u sii wayn,” ayuu yiri.
Saddex sano ka dib markii taxanihii ugu horreeyay la sii daayay, Hwang aad ayaa aad uga niyad jabsan xaaladda adduunka.
Waxa uu ka hadlay dagaallada hadda socda, isbeddelka cimilada iyo hanti yaraanta baahsan ee adduunka ka jirta.
“Xuduudo cusub ayaa la kala xariiqday. Waxaan ku jirnaa xilligii inaga iyo iyaga. Yaa saxan yaase qaldan?”